Midowga Yurub Oo Ka Dayriyey Xaaladda Bani'aadanimo Ee Tigray
Ururka Midowga Yurub
ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini'aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii
xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye.
Madaxa maareynta
xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda
bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna
ay ka sii dartay.
"Kadib dhamaadkii
dagaalka, xaaladda bini'aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya, waa ay ka sii
daraysaa, Midowga Yurub ayaa ka walaacsan arrintaasi," ayuu yiri
guddoomiyaha.
Tobanaan kun oo qof,
ayaa mar kale ka barakacay dagaalada soo cusboonaaday, waxaana la sheegay in
burbur xoogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka
deegaanka.
Ururku ayaa wuxuu
sheegay in xaaladda bini'aadantinimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u
liidata, ayna kasii dari doonto dhibaatada, haddaan degdeg wax loogga qaban.
Dib u soo
cusboonaanshaha dagaalka, ayaa si weyn u hor istaagay in gargaar
bini'aadantinimo la gaarsiiyo waqooyiga Itoobiya, ururka Midowga Yurub, ayaa
sidaasi sheegay.
Waxaa wali gabi ahaanba
go’an jidadkii la marin lahaa sahayda iyo agabka aasaasiga u ah nolosha,
shidaalka iyo dhaqaalihii la gaarsiin lahaa Tigrayga, iyadoo sidoo kale
dhibaatadan lagu arkayo deegaanada Axmaarada iyo Canfarta oo uu dagaalku ku
fiday.