Qawmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada Oo Ku Dagaalamaya Itoobiya
"Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo"
Wararka ka imaanaya
degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya,
ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.
Dagaalka ayaa waxa uu u
dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay
go’antahay isgaarsiintii degmadaasi.
Sida ay sheegayaan
dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka
dhashay barakac.
Hase yeeshee
faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama
isgaarsiintu ay go'an tahay.
Waxaa xusid mudan in
dhanka kale ee Oromada aan isku daynay in aan la xiriirno, si arrintaan wax uga
waydiinno ee dagaalka socda, hase yeeshee ma aanay noo suura galin inaan helno.
BBC
Loading...
Loading...