7 Jimicsi Oo Laga Helo Caafimaadka Ugu Fiican Ilaa Waqtiga Gabowga

0
Monday October 03, 2022 - 08:02:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Jimicsi Oo Laga Helo Caafimaadka Ugu Fiican Ilaa Waqtiga Gabowga

    "Dadka da'da weyn waxay u badan tahay inay ka faa'iidaysan karaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka da'da weyn waxay u badan tahay inay ka faa'iidaysan karaan"


Waxyaabaha lagu xoojiyo murqaha - sida qaadista miisaanka culus - waa in ay qeyb ka noqdaan jimicsiyada toddobaadlaha ah ee uu sameynayo qofka da'da ah, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay.

 

Cilmibaareyaal u dhashay Mareykanka ayaa ogaaday in dadka sameeya jimicsiga boodboodka ah iyo tababarka lagu xoojinayo murqaha ay ka caafimaad wanaagsan yihiin dadka aan sameyn jimicsi ama kuwa jimicsiga yar sameeya.

 

Laakin uma baahnid inaad aaddo goobta jimicsiga ama Gym-ka. Qofka waxaa ku filan in uu qaado bacaha lagu qaato alaabaha culus, beer falista iyo jimicsiga lugaha.

 

Hay'adda daryeelka caafimaadka ee UK, oo magaceeda loo soo gaabiyo NHS, ayaa dadka ay da'doodu ka sarreyso 65 sano kula talisay in ay dhaqdhaqaaqyo firfircooni ah sameeyaan maalin kasta, iyagoo sameynaya jimicsi lagu xoojinayo murqaha, dheellitirnaanta iyo dabacsanaanta jirka, kaasoo ay ka dhigi karaan ugu yaraan labo jeer toddobaadkii.

Khubarada ka howlgasha NHS waxay sidoo kale dadka kula taliyeen inay toddobaadkiba hal mar qabtaan shaqo dhexdhexaad ah oo qaadan karta 150 daqiiqo ama 75 daqiiqo.

 

Muhiimadda murqo dhiska

Waxaa la og yahay in garaaca wadnaha oo si joogto ah u kordha uu xoojiyo caafimaadka qofka isla markaana dadka ka caawiyo inuu caafimaadkooda u fiicnaado marka ay gaaraan da'da celcelis ahaan ay dadku ku dhintaan.

 

Laakin seynisyahannada caafimaadka ayaa ku dadaalaya in ay wax badan kasii ogaadaan saameynta uu jimicsiga lagu xoojinayo murqaha ku leeyahay caafimaadka dadka marka ay gaaraan da'da gabowga.

Daraasadda lagu sameeyay Mareykanka oo lagu daabacay Majalladda "British Journal of Sports Medicine" ayaa lagu wareystay in ka badan 150,000 oo qof oo da'doodu u dhaxayso 60 ilaa 70 jir, waxaana wax laga weydiiyay dhaqdhaqaaqooda dhanka jimicsiga ah kaddibna waxaa dabagal lagu sameeyay arrintaas.

 

Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen in dadka raacay talooyinka caafimaad ee ku aaddan in 150 daqiiqo oo jimicsi dhexdhexaad ah la sameeyo toddobaad kasta ay ka caafimaad wanaagsan yihiin kuwa aan sameyn laakiin kuwa isku-darsaday sameynta jimicsiga caadiga ah iyo jimicsiga bood-boodka ah iyo hawlaha xoojinta murqaha hal ama laba jeer toddobaadkii ayaa xitaa ka sii wanaagsan.

 

Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in boqolkiiba 47 dadkan sameeya jimicsiga ay yartahay inay "u dhintaan sababo caafimaad darro marka laga reebo kansarka".

 

Miisaanka culus ee la qaado ayaa hoos u dhigi karaa halista caafimaad 9-22% halka jimicsiga bood-boodka ah uu hoos dhigi karo halista caafimaad darrada 24-34%.

 

Socod-boobsiiska, orodka, baaskiil wadidda iyo dabaasha waa tusaalooyin dhanka jimicsiga ah, kuwaas oo ka shaqeysiiya wadnaha iyo sambabada.

 

Waxa kale oo ay daraasadda sheegtay in dumarka ay faa'idooyin badan ka helaan jimicsiga dhanka qaadista miisaanka culus marka loo eego ragga.

Kooxda cilmi-baarista samaysay oo ka socotay Machadka Kansarka Qaranka ee Maryland iyo Jaamacadda Iowa, oo labaduba ku yaalla dalka Maraykanka, ayaa faahfaahin ka bixiyay in jimicsiyada xoojinta murqaha ay jirka ka dhimaan miisaanka qofka, lafahana ay noqdaan kuwo xoog badan, taas oo keenta in dadka da'da ah ay helaan nolol caafimaad leh.

 

"Dadka da'da weyn waxay u badan tahay inay ka faa'iidaysan karaan inay sameeyaan jimicsi miisaan-qaadis ah oo ay ku darsan karaan hawlahooda shaqo."

 

Sida laga soo xigtay hay'adda NHS, Jimicsiyada lagu xoojinayo murqaha waxaa kamid ah:

 

Qaadista waxyaabo culus, sida bacaha lagu rito raashiinka culus

Jimisciga kala bixinta jirka ee loo yaqaanno "Yoga"

Jimicsiga kor u qaadidda lugaha

Jimicsiga gacmaha iyo lugaha loo sameeyo sida dagaalka

Guridda cowska daaradda oo waqti dheer lagu qaato

Jimisciga fariisiga iyo istaagga iyo kuwa lamidka ah.

Jimicsiyada xarig jiidka miisaanka leh

Daraasadda waa mid muhiim ah oo kormeer ku sameysay xaaladda balse ma caddeyn karto in miisaan qaadista ay qofka ka dhigeyso in uu caafimaad wanaagsan helo marka uu gaaro da'da celcelis ahaan ay dadka ku dhintaan.

 

Waxaa kale oo ay natiijada cilmi-baaristu ku xirneyd dadkii lagu wareystay daraasadda, gaar ahaan sida ay u xusuusteen inta jimicsi ee ay sameeyeen.

 

Cilmi-baareyaashu waxay isku dayeen inay meesha ka saaraan arrimo kale oo laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan natiijada daraasadda, sida waxbarashada, jinsiga iyo qowmiyadda, laakiin waxaa usoo baxday natiijo isku mid ah.

 

BBC


Loading...
Loading...