Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay 20 Arday Oo Ku Dhaawacmay Shilgaadhi
Hargeysa (HWN) Wasiir
ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Cabdixakiim
Siciid Bustaale, ayaa ka hadlay 20 arday oo ku dhaawacmay laba bas oo isku
dhacay, kuwaas oo ka mida gaadiidka qaada ardayda wax ka barata dugsiga
Kuweydiga ee magaalada Hargeysa.
Waxa uu wasiir ku
xigeenku xusay in ardayda dhaawacantay in xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo
cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in ay
masuuliyaddaro tahay in wadaha gaadhigu xaawaraha uu doono uu ku kaxeeyo
gaadhiga, isla markaana aanay ahayn arrin habboon in dhiiga ardayda lagu
tartamo.
Geesta kale waxa uu
wasiir ku xigeeenku ciidamada nabadgelyada waddooyinka ka dalbaday in ay
gaadiidka dadweynaha ee xawaaraha sare ku maraya gudaha magaalada in ay
tallaabo ka qaadaan.
Waxaanu yidhi."Shilkan
maanta dhacay wax ka weyn ayaa iman karaya, waa masuuliyaddaro weeyi, way
tartamayaan, iyaga oo ku tartamaya in uu arday qaado, hadana ka gaadhsiiyo
arday, kale haddana kuwa kale qaado, arintaasi waa masuuliyad darro,
iskuuladana ka yeelimayno, maamulayaashana ka yeelimayno, wadayaasha gaadiidkana
laga yeelimaayo, wasaaradduna waajibka ka saaran ayay qadan doonta, khasaaraha
dhacayna waa mid saamayn ku yeeshay waddanka oo dhan, ardayda dhaawacantayna
waa kuwa loo barbaarinayay waxbarasho, maaha arday dhiigooda lagu tartamayo,”