Somaliland Oo Amar Adag Dul Dhigtay Gaadiidka U Kala Goosha Gobollada Dalka
Hargeysa (HWN)
Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa soo saartay
wareegto ay ku amrayso in aanu baraha kaantarool ee dalka dhaafi karin gaadhi
aan ruqsada iyo ogolaanshiyaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan
wasaaradda gaadiidku.
Sidoo kale waxa
wareegtadan lagu sheegay in gaadhi aan lagu xidhin xadiidaada xawaaraha
gaadiidha iyo warqada badqabka gaadiidka gaadiidku aanu dhaafi karin baraha
kaantarool, isla markaana ciddii u hoggaansami wayda laga qaadi doono tallaabo
sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintiisa iyo ganaax lacageedba.
Waxa sidan lagu sheegay
wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta
jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, oo soo gaadhay xafiiska
warqabadka Wargeysyada Dawan.
Waxaaney u dhignayd
sidan."In aanu kaantaroolada dhaafi karin gaadiid aan ruqsadda ogolaanshaha
rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta
jidadka Somaliland laga bilaabo taariikhda 6/10/2022.
In aanu dhaafi karin
taantaroolada dalka gaadhi aan lagu xidhin qalabka xadidaada xawaaraha
gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka.
In aan la ogolayn
darawaliinta basaska qaada rakaabka dadweynaha iyo alaabaha ee aan haysan
liisanka darajada D.
Ciddii u hoggaansami
wayda awaamiirta wareegtadan waxa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 200,000 oo
Shilinka Somaliland iyo xadhig waafaqsan xeerka wadamarista gaadiidka ee Xeer
Lr. 56/20133″