Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Muuse Biixi Iyo Rajiimkiisu Maxay Kaga Duwan Tahay Kuwii Hore?

0
Sunday October 02, 2022 - 16:04:59 in News by Abdi Good
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Muuse Biixi Iyo Rajiimkiisu Maxay Kaga Duwan Tahay Kuwii Hore?

    Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Muuse Biixi Iyo Rajiimkiisu Maxay Kaga Duwan Tahay Kuwii Hore?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Muuse Biixi Iyo Rajiimkiisu Maxay Kaga Duwan Tahay Kuwii Hore?


Markii uu dalka qabsaday rajiimka Muuse Biixi, waxa la aaminsanaa inuu yahay maamulkii soo afjari lahaa dhaqan xumada mudokordhinta xaaraanta ah ee dalku la soo noolaa. Fursado badan ayuu haystay rajiimkani oo uu wax kaga qaban karayay. Hayeeshee waa uu awoodi waayay inuu isaguna ka badbaado mudokordhin xaaraan ah dalkana ka badbaadiyo dhaqankaa xaaranta ah. Waayo rajiimka Muuse Biixi karti siyaasadeed uma lahayn inuu dalka ka saaro dhibaatadaa iyo kuwa la midka ah. Waa rajiim taladiisu ku soo ururtay qof ama hadii laga tagi waayo laba ruux. Waa rajiim aan lahayn wadashaqaynta wadarta ku dhisan. Waana ta keentay inuu ku fashilo xalinta dhibaatooyinkii loo doortay inuu wax ka qabto.

Daawo:Muuse Biixi oo Kulan qarsoodi ah la yeeshay Farmaajo – Gedo Times

 

Habase ahaatee waxa yaab leh halkii laga sugayay in uu Rajiimkani dalka ka saaro dhibaatada mudokordhinta xaaranta ah inuu dagaal adag u galay sidii uu mudokorodhsi xaaraan ah u samayn lahaa. Waxa cajiib ah oo uu rajiimkani kaga duwanaa madaxdii hore ee dalka soo martay inuu mudokorodhsi ku rabay jaahwareerinta dalka! Waxa uu rajiimkani la yimid dhaqan hor leh. Waa dhaqanka ah hadii aanan helin mudokordhin xaaraan ah dalka ayaan la meeraysanayaa! Taas oo macnaheedu tahay dalka ayaan jaahwareer siyaasadeed oo u kas ah galinayaa. Waa tudhaale la'aan ku dhisan dantayda ayaa ka horaysa danta qaranka. Waa dhaqan macangagnimo ah oo uu la yimid rajiimka maanta dalka ka taliyaa.

 

Waxa kale oo iyaduna fajac ah in rajiimkan iyo taageerayaashiisu u dabaaldagayaan mudokordhin xaaraan ah! Wali madaxweyne loo kordhiyay oo taageerayaashiisu ku faanayaan mudokodhin xaaraan ah rajiimkan ka hor ma aynu arag. Waa daciifnimada nafsaaniga ah ee uu la nool yahay oo uu u dhashay rajiimkani. wax iyaduna xusid mudan in madaxdii ka horeeyay rajiimkan dhamaantood ay si dhiiran ugu celcelin jireen "Maalin in la ii kordhiyo diyaar uma ihi" iyaga oo mujinaya siday uga xun yihiin mudokordhin xaaraan ah oo loo sameeyo. Ma rajiimkan ayaý noqotay, tamartii iyo wakhtigii ugu badnaa ee uu isticmaalay intuu talada dalka la meeraysanayay wuxu galiyay sidii uu u heli lahaaa mudokordhin xaaraan ah. Waaba halkii Ibraahin Gadhle e,

"Tuug wuu is qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid,

Haa, dooran mid halgan iyo ragganimo u yaqaan muddokordhin xaaraan ah ayaa yimid.

 

Waa rajiim aan ka xishoonayayn waxba. Si kasta oo uu rajiimkani dalka ku sii haysan karayo waa u xalaal aanu ka xishoonayn. Sidaas ayuu Rajiimkani taariikhda ku galay. Ninkastaaba wuxu dhitaystaa u yaal taariikhda.

Dhinaca kale waa mudokordhintii ugu horeeyasay ee xaaraan ah ee xataa loo waayay qiil. Guurtidu ma ay sababayn muddokordhinta ay u sameeyeen Rajiimkan. Xataa sababihii marmarsiiyaha ahaa ee awal hore ay u cuskan jireen doorkan waa ay waayeen. Sanad barwaaqo ayaa lagu jiraa oo aanu shaqaynayn qodobkii masabidka ahaan jiray ee ay odhan jireen waxa jira abaaro baahsan.


Sidaa daraadeed waxa ay noqotay in si jujuub ah oo afduub ah oo xaaraan ah loogu kordhiyo Rajiimkan maanta dalka ka taliya. Tan oo kale hore uma ay dhici jirin maamuladii hore waana sabab u gaar ah rajiimkan muddokordhin xaaraan ah u hasta wax lagu faano oo geesinimo ah. Inuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulo helida muddokordhin xaaraan ah waxa ay ku tusaysaa sida uu ugu fashilay hogaamin dalka rajiimkani.


Faallo:- Ilyaas C. Carte
Loading...
Loading...