"Shalay Dalka Waxa Ka Dhacday Foolxumadii Uwaynayd" Musharax CIRRO

0
Sunday October 02, 2022 - 12:26:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shalay Dalka Waxa Ka Dhacday Foolxumadii Uwaynayd" Musharax CIRRO

    "Waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland,"


Hargaysa (HWN) Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in golaha Guurtidu uu uga siidaray xaaladii cakirnayd ee dalka ka jirtay.

Musharax Ciro oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa manta ayaa yidhi:-



" Shalay Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka dhacay Fool-xumadii ugu weyned ee ina soo martay intii aynu qaadannay nidaamkan Axsaabta badan,

Shalay waxaa god madow lagu hubsaday oo gabal baas u dumay nidaamkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, waxaa la xabaalay kalsoonidii Shacabka iyo doonistii dadweynaha.

 

Waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland, waxaa jar iyo meel daran laga tuuray nidaamkii wada-tashiga iyo isla oggol-ka ku dhisnaa, waxaa Madaxweynuhu u badheedhay sharci darro, Dastuur jabin iyo jar-iska xoornimo.


 Go’aanka Golaha Guurtidu halkii uu xaaladda dalka ka dejin lahaa waxa uu noqday mid uga daray oo batrool ku shubay kabriidna ku qabtay xaaladdii cakirneyd ee JSL ku jirtay."  Murashax Cirro .

Loading...
Loading...