Maxay Yihiin Ciidanka Eritrea Ku Diyaarisay Xuduuda Ay Laleedahay Itoobiya?
Sawirada dayax-gacmeedka
ayaa muujinaya in isu-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada
dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay
shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah Arbacadii.
Wakaaladda wararka ee
Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin
karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay ka danbeeyeen
burburkii xabbad-joojin shan bilood ah oo ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya
24-kii Agoosto.
Ciidamada Tigreega ayaa
dagaal kula jira ciidamada federaalka Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan
ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada deriska la ah
Itoobiya, dagaalkaas oo socday ku dhawaad labo sano.
Sawirrada la helay
26-kii Sebtember ayaa muujinaya ciidamo milateri, gaadiid iyo madaaficda goobta
oo ku sugan magaalada Shiraro, oo u dhow xudduudda waqooyi ee Tigray ay la
wadaagto Eritrea, sida ay sheegtay Maxar Technologies Inc, oo ururisa ama
daabacda sawirka dayax-gacmeedka ee gobolka.
Inta badan
isgaarsiintii gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd in ka badan hal sano.
Ciidamada Tigreega ayaa
13-kii Sebtembar sheegay in ciidamada Eritrea oo ka barbar dagaalamayay askarta
Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shiraro tan iyo markii uu
dagaalku soo cusboonaaday balse waxay sheegeen in dib loo jebiyay.
Masuuliyiinta Itoobiya
iyo Ereteriya ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan dagaalkii
dhawaan dhacay.
Ciidamada Eriteria ayaa
taageeray millatariga Itoobiya wajiyadii hore ee dagaalka, laakiin dowladda
Eriteria ma aysan xaqiijin ka qeyb galka dagaalka tan iyo markii ay burburtay
xabbad-joojinta, balse waxay sheegtay horraantii bishan in qaar ka mid ah
ciidamadeeda keydka dib loogu yeeray.