Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

0
Thursday September 29, 2022 - 08:57:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

    "sii xoojinta xiriirka labada dal ee drisnimada iyo walaaltinimada ku dhisan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sii xoojinta xiriirka labada dal ee drisnimada iyo walaaltinimada ku dhisan"



Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku maraya dalka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Xog laga helay xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegeysa wafdiga madaxweyne Xasan uu hoggaaminayey iney madaxda Itoobiya kulan laba geesoosd ah la qaateen.

 

Madaxda labada dal wadahadalkooda waxay diiradda ku saareen "iney ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida geeska Afrika oo ay iska kaashadaan labada dal muhiimadda ay u leedahay, " ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska raysalw asaaraha Itoobiya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa wuxuu sheegay doorka ay Itoobiya ku lahayd taageeridda Soomaaliya iyo nafta ay u hurtay uu bogaadinayo.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaalya dhankiisa wuxuu sheegay iney madaxda labada dal ka wada hadleen "sii xoojinta xiriirka labada dal ee drisnimada iyo walaaltinimada ku dhisan", sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

 

"Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa waaye sida xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee driska ah ee walaaltinimada ku dhisan loo sii xoojin lahaa labada dowladoodna ay isaga kaashan lahaayeen waxyaabaha iyaga saameynta ku leh,” ayuu yiri Cabdulqaadir Cali Dige," Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Raysal Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay Itoobiya iney diyaar u tahay iney la shaqeyso maamulka cusub ee Soomaaliya gaar ahaanna dalkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo arrimaha la xiriira Kobaca Dhaqaalaha.

 

Xafiiska Raysla wasaarahana wuxuu sheegay Abiy inuu ka dhawaajiyey Soomaaliya oo xoogeysato xasilooninan hesho ay la mid tahay Itoobiya oo xoogeysatay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bilooyin ka hor xilka kala wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasha rasmi oo laba maalmood qaadanaeyso ayuu dalka Itoobiya ku marayaa.

 

Tan iyo marki uu Xasan Sheekh xilka madaxtinimada uu la wareegay wuxuu booqasho ku soo maray waddamada gobolka oo ay ka mid yihiin Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo waddama kale.

Booqashada Madaxweyne Xasan Addis Ababa ku tagay oo ahayd mid in badan la sugayey madaxweynuhuna wuu sheegay qorshaha inuu ugu jiray inuu Itoobiya booqdo balse sababa kala duwan awgood ay ugu suuragelin.

 

Itoobiya oo xad dheer la wadaagto dalka Soomaaliya oo aan xasilooneen waxay u dirtay ciidamo si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ururka Al-Shabaab.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo intooda badan hoos yimaadda Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM oo hadda la baxay ATMIS.

 

Ururka Al-Shabaab oo xiriirka la leh Ururka Al-qaacida oo Koonfurta Soomaaliya sida weyn uga dhaqdhaqaaqa bilooyin ka hor wuxuu Itoobiya ku soo qaaday weerarki ugu horreeyey oo ay xadka labada dal ka geystaan.

 

BBC


Loading...
Loading...