Shan Faa'ido Oo Laga Helo Cunista Yaanyada (Tamaadhada)
Yaanyadu
waxay ka mid tahay khudaarta sida weyn loo cuno oo cunnooyinka lagu darsado
sida basbaaska iyo baradhada.
Yaanyadu
waxay leedahay noocyo kala duwan xagga muuqaalka mid waaweyn oo wareeg siman,
mid dhuuban oo qaabka ukunta u taallo iyo mid aad u yaryar.
Balse
waxay noocyada kala duwan ee Yaanyada ay ka siman yihiin midabka casaanka ah.
Inkasta oo la helo yaanyo midabkeedu jaalla ama cagaar yahay.
Haddaba
maxay yihiin shanta Faa'ido ee laga helo cunista yaanyada:
1.
Caafimaadka wadnaha ayey wanaajisaa
Qofka
caafimaadka qaba ee qaangaarka ah maalintii wuxuu u baahan yahay 80 garaam oo
Yaanya ah cuntadiisa iney ku jirto taasoo u dhiganta 5% maaddada Potaasiyamka
oo qofka jirkiisa u baahan yahay.
Qofka
oo cuno cunnooyinka ay ku jirto maaddada Potaasiyamka waxay qofka ka
caawineysaa inuu dhiig furan dhanka wadnaha ah uu ku dhicin iyo cudurrada kale
ee wadnaha haleela intaba.
Yaanyada
waxaa ku jirta maaddada Lycopene, oo yaanyada midabka cas u yeeleysa.
Daraasad
badan oo lagu sameeyey maaddada Lycopene iyo faa'idooyinka qofku u leeyahay
waxaa lagu ogaaday iney yareyso khataraha qofka ka soo wajahi karo cudur
wadnaha kaga dhaca.
2.
Indhaha ayey u wanaagsan tahay
Khudaarta
yaanyada waxay ka kooban tahay maaddooyin phytochemicals la isku yiraahdo oo ay
ka mid yihiin Lycopene, Lutein iyo beta-carotene.
Dhammaan
maaddooyinkaasi ayaa ah kuwa waxtar weyn u leh caafimaadka Indhaha iyo badqabka
aragga qofka waxayna awood u leeyihiin iney ka hortagaan cudurrada indhaha ku
dhaca ee da'da la socda.
3.
Caafimaadka maqaarka ayey wanaajisaa
Maaddada
Carotenoids oo inta badan laga helo khudaarta cagaaran oo ay Yaanyadu ka mid
tahay waxay ka hortagaan cudurrada dadka haleela.
Daraasad
2006-dii la sameeyey waxaa lagu ogaaday waxtarka ay maaddada carotenoids 10-12
toddobaad kaddib inuu waxtarka maaddadaasi hoos u dhici karo.
Balse
taa micnaheedu ma aha haddii aad Yaanya badan maalintii isticmaasho iney kaaga
baahnyen inaad gubto si looga hortago dhibaatada ama khatarta ka dhalan karto
si la mid ah cunta walba haddii isticmaalkeedu la badiyo.
Daraasadduna
waxay ku talo bixineysaa markasta oo yaanyada la kariyo waxtarkeeda caafimaad
gaar ahaanna qaybta u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha jirka halista ku ah ay
kordheyso.
Yaanyadu
in lagu cuno dufanka ay ka mid yihiin Saliida Seytuun, waxay gacan ka
geysaneysaa iney maaddada carotenoids ay jirka si wanaagsan ula falgasho.
Sida
oo kale maaddadaasi waxay wax weyn ka tartaa caafimaadka maqaarka qofka sida
inuu iftiimo inuu ingeeg yeelan iwm.
BBC