Maxkamada Sare Oo Dhaarisay Xildhibaan Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Golaha Guurtida

0
Wednesday September 28, 2022 - 14:31:25 in News by Abdi Good
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare Oo Dhaarisay Xildhibaan Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Golaha Guurtida

    Maxkamada Sare Oo Dhaarisay Xildhibaan Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Golaha Guurtida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Sare Oo Dhaarisay Xildhibaan Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Golaha Guurtida

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/09/2022, dhaariyay Cumar Mukhtaar Ciise Faarax, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.


Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Mukhtaar Ciise Faarax, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Cumar Mukhtaar Ciise Faarax, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

May be an image of 2 people, people standing and indoor

Loading...
Loading...