Hargaysa: Nin Ajaaniba Oo Maydkiisa Laga Soo Saaray Barkad

0
Wednesday September 28, 2022 - 09:19:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Nin Ajaaniba Oo Maydkiisa Laga Soo Saaray Barkad

    "Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaa…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaa…"


Alle haw naxariistee waxaa habeenimadii xalay tuulada Garabays oo 10 km ka xigta dhanka koonfur galbeed magaalada Hargeysa Barkad ku dhintay nin lagu magacaabo Bashiir Cabdilaahi Abokor.



Ciidamada Dab-demiska Hargeysa gaar ahaan xarunta Maxamuud Haybe oo goobtaa markiiba gaadhay ayaa maydka ka soo saaray Barkada, maadaama oo goor dambe lagu soo wargeliyay badbadaas.


Ciidamada baadhista Dambiyada ee Booliska ayaa kiiskaas gacanta ku haya, baadhayana sababta keentay dhimashada. Marxuumka ayaa ka soo jeeday qoomiyada Oromada ee waddanka Itoobiya.


Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaa waalidiinta in xilli roobaadkan caruurtooda ka ilaaliyaan Baraagaha markastaba, ceelasha iyo goobaha kale ee biyo mareenada ah.


Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkaddaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.

Loading...
Loading...