Maxamed Bin Salmaan Oo Xilkiisa Lagu Wareejiyay Walaalkiis, Isagana Xil Cusub Loo Magacaabay
Dhaxal-sugaha
Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay xilka
raysul wasaaraha, xilli isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada ee lagu
dhawaaqay fiidnimadii xalay.
Caadiyan boqorka xilka
haya ayaa qaban jiray xilka raysul wasaaraha. Maxamed Bin Salmaan ayay dad
badan u arkaan inuu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee boqortooyada dhowrkii sano
ee la soo dhaafay.
Xilka raysul wasaare
ku-xigeenka ayuu horay u soo qabtay marka laga soo tago xilka wasiirka
gaashaandhigga oo uu muddo dheer hayay.
Amiirkan dhallinyarada
ah waxa uu dalka ku soo kordhiyay isbeddelo bulsho iyo mid dhaqan, balse waxaa
sidoo kale lagu eedeeyay in uu qaaday olole lagu bar-tilmaameedsanayo dadka ka
soo horjeeda afkaartiisa.
Xilka wasiirka
gaashaandhigga waxaa loo magacaabay walaalkiis ka yar, Khalid bin Salman, oo
horay u ahaa wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga.
Sida lagu xusay
dikreeto uu soo saaray Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee
Sucuudiga, wasiirradii madaxda ka ahaa wasaarado kale oo muhiim ah oo ay ku
jiraan arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo tamarta ayaa sii hayn doona xilalkoodii.
Maxamed Bin Salmaan
ayaa loo dhiibay xilka wasiirka gaashaandhigga sanadkii 2015, taas oo ahayd
tallaabo muhiim ah oo sare loogu qaadayay saamaynta uu ku leeyahay hoggaanka
dalkaas.
Sacuudi Carabiya ayaa
isku dayaysay muddo sanado ah sidii ay u yareyn lahayd walaaca laga qabo
xaaladda caafimaadka ee Boqor Salmaan oo 86 jir ah, kaasoo tan iyo sanadkii
2015 xukumayay dalka shidaalka ugu badan soo saara caalamka.
Sanadkii 2017,
boqortooyadu waxay beenisay warar isa soo tarayay iyo saadaalin sheegaysay in
boqorku uu qorsheynayay inuu xilka ku wareejiyo dhaxal-suge Maxamed Bin
Salmaan.
Boqorka Sacuudiga,
Boqor Salmaan ayaa sanadkan labo jeer la dhigay isbitaal, waxaana ugu dambeysay
bishii May ee la soo dhaafay, xiligaas oo uu muddo toddobaad ah ku jiray
baaritaanno caafimaad, sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga.
BBC