Toban Dhacdo oo Waji-gabax ku Noqday Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ee Ollolaha Gobollada Barriga....Faallo

0
Tuesday September 27, 2022 - 18:20:54 in News by Abdi Good
  • Visits: 2264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban Dhacdo oo Waji-gabax ku Noqday Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ee Ollolaha Gobollada Barriga....Faallo

    Kullankii Berbera + Kallahaadii Burco + Kashifaadii Kolanyada + Kooxaysiga Hargeysa Iyo Kala-maanka Xusuusta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullankii Berbera + Kallahaadii Burco + Kashifaadii Kolanyada + Kooxaysiga Hargeysa Iyo Kala-maanka Xusuusta



Burco(HWN):-Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisi sii gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa iyo xisbiga KULMIYE ayaa weji gabax kale kulmay Socdaalkii ay todobaadkii dhawaa ku tageen Gobollada Barriga dalka,kaas oo ahaa mid ku bilaabmay saan-saan muujinayaa Ollole Siyaasaddeed oo uu KULMIYE ku tijaabanayo awoodiisa taageero ee uu ka haysta Gobollada Barriga dalka,taas oo muddooyinkii ugu dambeeyey mar-ba marka ka dambaysa sii liciifaysay.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo


Ollolahan tijaabada ahaa ee ay Madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo Gobollada Bari ku taggeen,ayaa waxa weheliyey Xildhibaano iyo xubno ka mid ah Kaadiriinta Xisbiga ee Garabka Bidix dhexe iyo weliba tageerayaal safaari ah oo lagga guray Magaallooyinka Gabiley Hargeysa iyo Berbera.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo oo Berbera dhex gucleeyey halkaas oo soo dhaweyn Abaabul xooggani ka muuqday loogu sameeyay.Abaabulka Soo dhaweynta Weftiga Kulmiye waxa si wayn uga dhex muuqday Ardayda Dugsiyada Dawladda iyo Shaqaalaha oo kaga hor-yimi meel dibada uga baxsan Magaalada Berbera,waxasi wayn uga qayb-qaadanayay Gaadiid Dawladdu leedahay oo laga buuxiyey Arday, Dhalinyaro Suuq-joog ah, Shaqaale Dawladdeed iyo tiro yar oo ka mid ah Taageerayaasha Kulmiye,.


Baabuurta ku jiray Galbiska Madaxda Xisbiga Talada haya, ayaan ku koobnayn kuwa ay gaarka u wataan Madaxda Xafiisyada Dawladda ama Masuul-goboleedyadu, balse waxa dhex boodayey qaar kamida Baabuurta loogu talo-galay Adeegyada Xafiisyada dawladda ee caadiga ah.


Ku dhawaad labaatan Baabuur oo isugu jira Xaajiyado nooca Layl Calaawiga loo yaqaano ee dusha furan leh iyo Laancruiser-ro Taarikada Dawladdu ku xidhantahay, ayaa kamid ahaa Kolanyo Baabuur ah oo galbis ku maray badhtamaha Magaalada Berbera Qaar kamida Baabuurtaas waxa ilaa janbiyada ka laal-laaday ama saarnaa Dhalinyaro u badan Arday ku lebisan Dirayskii Iskuullada oo banaanka loogu soo saaray inay soo-dhaweynta Weftiga qayb ka noqdaan.


Arrintaas ayaa fajac iyo Ammagkaaga ku noqotay Shacbiga reer Berbera, iyadoo hadal-haynteedu ay gaadhay heer Baraha Internetka ee Bulshadu ku kulanto lagaga dooddo.


Geesta kalena, inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedada dhabta ah ee ay daarantahay socdaalka weftiga Hoggaanka Kulmiye, hadana sida laga dhadhasaday khudbaddo uu Hogamiyaha weftiga, Md. Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey Fagaareyaal kamida goobihii lagu soo dhaweeyey tuullooyinka iyodegmooyinka u dhexeeya Hargeysa Berbera,Burco iyo Laascanood, ajandaha ugu muhiimsan ee ay dadka u gudbinayeen ayaa muujinaya olole muddo kordhinta Madaxweynaha lagu daadejinayo inta aan badka Siyaasadda la soo dhiggin.


Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa hungo-madhan kala kulmay taageerada iyocududii KULMIYE ku lahaa Gobollka Togdheer, gaar ahaan Magaalada Burco, kadib markii hoggaanka Sare ee Xisbigu weji-gabax kala kulmeen soo dhoweyntii ay ka filayeen taageerayaashooda, halkaas oo taas baddelkeeda ay ka dhaceen mudaharaad-yo laggu diidan yahay Madaxweyne Biixi,waxaana laggaga hor-yimi ficilo muujinaya saluuga dadweynaha deegaanku uu ka qabo Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa,taas oo cabsi ku abuurtay Madaxweyne Biixi,isla markaana ku khasabtay in uu foodda gellin karri waayo guddaha Magaalada Burco,waxaana xusid muddan in xataa saskaas iyo sal-babakhaasi uu keenay in xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Burco lagga dhigo huteelka Maan-soor.


Weftiga Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale mudaharaad-yo kala kulmay Magaalada Oodweyne,halkaas oo ay dadku ku dhawaaqeyeen erayo ay ku dalbanayaa doorasho ,waxaana laggu dheggo barjeeyey w hogggaanka KULMIYE siidhigii mucaaradka,iyadoo uu dhiiggu ku kacay Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa, isla markaanaay iyaga oo aanu moraalkoodi wanaagsanay oo maroora dilaaca ay ka gallab caraabay oodweyne,waxaana wejiyadoo lagga dheehanayey cadho iyo ciil kaambi .


Sidoo kalene Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa mudaharaad-yo lamid kuwii Burco Ceerigaabo iyo Oodweyne kale kulmay Magaalada Laascanood,halkaas oo ku dhex maray gaadhi qufulay iyo kollanyo ciidan ah.


Dhaqankii Mucaaridnimada kula foosha-xumaa Kulmiye

Haddaba, marka laga yimaado dhacdooyinka hadheeyey Socdaalka Hoggaanka Kulmiye uu toddobaadkan ku tegay Gobollada Barriga dalka ee dib loogu noqdo Ma-hadhooyinka Taariikhda ee laga bartay Loollankii siyaasaddeed ee uu Xisbigani talada ku qabsaday laba iyo tobban sannadood ka hor, waxa mar kale Indhaha shucuubta hor-yimi Dhaqano lagu Dhaliili jiray Xisbigii Bur-buray ee UDUB iyo Xukuumadii uu hogaaminayay Daahir Rayaale. Dhaliilaha boggaga Taariikhda galay ee uu Xisbiga kulmiye intii uu ku xoogaystay Saaxada Mucaaridnimada Fagaareyaasha uga diri jiray,kuna cel-celin jiray Cajaladaha Ridhkoodhka, waxa kamid ahaa Ku-takri falka Hantida Umadda ka dhaxaysa, taas oo uu ku dhaleecayn jiray Wasiirradii Xukuumadda iyo xataa Bidhi walleyaasha Xafiis ee uu taageerada ka waayo.


Hal-kudhigyada laga xasuusto Eeddeymihii Madaxweyne Biixi iyoSiyaasiyiinta kale ee Xisbigiisu u adeegsan jireen hirdanka Siyaasada, waxa laga xusi karaa mowqifkii ay kaga soo horjeedeen in Gaadiidka Dawladda, Warbaahinta Qaranka iyo Hantida Ma-guurtada ah looga faa’idaysto Ololaha Siyaasaddeed, iyagoo si gaar ah diirada u saari jiray in Warbaahinta Dawladda lagu koobay faafinta Barmaamujyada Xisbiga talada haya oo qudha.


Hogaanka kulmiye Cahdigii Mucaaridnimada waxa kale oo ay si aan gabasho lahayn ugu eeddeyn jireen Xukuumaddii UDUB inay ku takri-fasho waa xilligaase Cashuurta laga qaado Shacbiga. Dhamaan Eeddaymahaas ayaa marka la bar-bar dhigo sida ay wax u socdeen teer iyo markuu xisbigani hogaaminta waddanka la wareegay, kuwo aan dhaafsiisnayn hirdankii Kursi kala riixashada, isla markaana hadii ay ahaayeen arrimo jiray oo wax ka qabasho u baahnaa mar walba, inay sii kordhaan mooyaane aanay waxba iska bedelin.


Dadka dhaliila Siyaasadda Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Biixi, ayaa aaminsan inaan Isbedelkii hogaamineed ee waddanka ka dhacay sanadkii 2017-ka waxba ka bedelin Musuqmaasuqa dhinaca maaliyada iyo Maamul-xumadii Hay’addaha Dawladda ragaadisay ee uu Madaxweynaha hadda Fagaareyaasha ku sharxi jiray wakhtigii uu u ordayey kursiga Madaxweynenimada, Taasna waxa Daliil u ah talaabada Gaadiidka Dawladda sida lexe-jeclo la’aantu ka muuqato loogu jees-jeesayo iyo ololaha aan Xilli doorasho oo sharci fasaxay ku salaysnayn ee Bulshada lagu surba-caadinayo.


Ollole Sharci jebin ah.


Xeerka Asxaabta Siyaasadda iyo Doorashooyinka ayaa xaaraantimaynaya inay dawladda ama Xisbul-xaakimka talada hayaa uu Hantida Qaranka nooc kasta oo ay tahay uu si gaar ah ugu isticmaalo Ololle Doorasho ama ujeedo kale oo ka baxsan sifaha sharcigu u xaddeeyey.


Loading...
Loading...