Aadan Barre Oo Loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya

0
Tuesday September 27, 2022 - 17:27:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Barre Oo Loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya

    "Golaha wasiirada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in hadda loo gudbiyo baarlamaanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha wasiirada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in hadda loo gudbiyo baarlamaanka"



Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto ayaa maanta shaaca ka qaaday golihiisa wasiirada isagoo Aadan Barre u magacabaay inuu noqdo wasiirka gaashaandhigga Kenya.

 

Aadan Barre oo hadda ah xildhibaan laga soo doortay ayaa aad loo hadal hayay inuu soo geli doono golaha cusub ee wasiirada isagoo ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Ruto.

 

Wuxuu hadda u baahan yahay inuu iska casilo xildhibaannimada ka hor inta uusan la wareegin xilka wasaaraadda.

 

Golaha wasiirada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in hadda loo gudbiyo baarlamaanka si ay uga doodaan.

 

William Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in Golaha Wasiirada cusub ay si deg deg ah uga howlgalaan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intiii lagu guda jiray ololaha doorashada.


Loading...
Loading...