Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xeerarkii Guurtiddu Ku Soo Celisay

0
Tuesday September 27, 2022 - 16:45:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xeerarkii Guurtiddu Ku Soo Celisay

    "Qoraalka soo celinta ah ee aad golaha wakiilada usoo gudbisay ma laha asaas sharci oo waafaqsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qoraalka soo celinta ah ee aad golaha wakiilada usoo gudbisay ma laha asaas sharci oo waafaqsan


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Guddoomiyaha guurtida ugu baaqay inuu Xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen hor dhigo golaha guurtida.


War qoraal ah oo uu Guddoomiye Khaliif soo saaray ayuu ku sheegay in soo celinta Xeerarka doorashooyinka ee golaha guurtidu ay dib ugu soo celiyeen Wakiilladu, aanay ahayn mid leh aasaas Sharci.


"Qoraalka soo celinta ah ee aad golaha Wakiillada u soo gudbisay ma laha asaas sharci oo waafaqsan xeer hoosaadka golaha guurtida, waxaana waajib ku ah gole waynaha guurtida in ay ka gutaan waajibaad kooda dastuuriga ah" Ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan u soo jeediyay in uu ixtirraamo Distoorka isla markaana uu xeerarkan wax ka badalka lagu sameeyay uu hor dhigo gole waynaha guurtida si ay cod ugu qaadaan.

"Mudane guddoomiye waxan kusoo jeedinayaa adiga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha guurtida, in xeerarkan golaha Wakiilladu wax ka badalka iyo kaabista ku sameeyay aad hor dhigto gole waynaha si ay waajib kooda dastuuriga ah uga gutaan" ayuu yidhi Khaliif.

Shirguddoonka golaha guurtida ayaa Isniintii golaha Wakiillada dib ugu soo celiyay xeerarka kala ah, Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Somaliland Xeer Lr 91/2022 iyo Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Axsaabta Siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha Wakiilladu wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay ayaa la filaayay in guurtidu ay cod ku aqbasho ama ku diido, hase-yeeshee Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in Xildhibaano ka badan kuwii Xeerka meel mariyay ay Dacwad u soo gudbiyeen sidaana uu dib ugu celiyay.

Hoos ka dheeho qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland:-





Loading...
Loading...