Gudoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Xeerka Ay Dib Ugu Celiyeen Golaha Wakiilada

0
Tuesday September 27, 2022 - 10:17:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Xeerka Ay Dib Ugu Celiyeen Golaha Wakiilada

    ."Laba gole oo murmay ma qurux badna, xeerkan aad wax iga dhigaysaana"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

."Laba gole oo murmay ma qurux badna, xeerkan aad wax iga dhigaysaana"


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay, xeerarkii shalay ay dib ugu celiyeen golaha wakiilada ee ku jiray kartoonka, ee  xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

 

Xeerarkan oo golaha wakiiladu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa golaha guurtida losoo gudbiyay 20 September, kadibna sida guurtidu sheegtay 46 xildhibaan oo kasoo horjeeda meel marinta wax ka badalka ayaa dacwad usoo gudbiyay, sidaa darteedna wakiillada ayay dib ugu celiyeen.



Waxa uu sheegay in xeerarka qoyay ay dib u daabacan doonaan.

Waxaanu yidhi."Laba gole oo murmay ma qurux badna, xeerkan aad wax iga dhigaysaana ee qoyayna dib ayaanu u daabacan doonaa.

 

Xeerkan sababta aan golahaygabu horkeeni waayayna waa in khilaafka golaha wakillada kala qaybiyay aanu anagana na kala qaybin.

 

Madaxweynaha waanu u kordhinaynaa ee muddada aanu kordhinayna idinka idin kala tashanmayno"Guddoomiye Saleebaan.

Loading...
Loading...