Ruushka Oo Dhalasho Siiyey Edward Snowden Oo Faafiyey Sirta Maraykanka

0
Tuesday September 27, 2022 - 08:57:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Dhalasho Siiyey Edward Snowden Oo Faafiyey Sirta Maraykanka

    "Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay'adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay'adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka"


Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyey Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha amniga ee dalka Maraykanka.

 

Snowden ayaa ka mid noqday 75 qof oo ajaanib ah oo la siiyey jinsiyadda dalka Ruushka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dawladda Ruushka.

 

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruushka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka, ka dib markii uu faafiyey xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka.

 

Sannadkii 2020 ayaa Snowden la siiyey deganaansho rasmi ah, isagoo xilligaas sheegay inuu qorshaynayo inuu codsado dhalashada dalka Ruushka, isaga oo aan ka tanaasulin dhalashadiisa Maraykanka.

 

VOA


Loading...
Loading...