Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ka Yeelayo Muranka Badda Ee Kala Dhaxeeya Soomaaliya

0
Tuesday September 27, 2022 - 08:53:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ka Yeelayo Muranka Badda Ee Kala Dhaxeeya Soomaaliya

    "Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno."


Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

 

Maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

 

Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

 

Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.

 

Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

 

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan - oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay waxa uga qorsheysan muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna yiri: ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xasilinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

 

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in xilligan aan la joogin waqti ku habboon ka hadalka muranka xadka.

 

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.

 

”Waxay ila tahay inaan marka hore xal u helno arrimaha amniga, kaddibna waxaan xallin karnaa murankeenna xadka,” ayuu yiri.

 

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay muddo xileedkiisii hore ee socday intii u dhaxeysay 2012-2017 ay dacwadda ku saabsan muranka badda u gudbisay maxkamadda ICJ.

 

Si rasmi ah waxaa kiiska maxkamadda loogu gudbiyay 13-kii bishii July ee sanadkii 2015, xilligaas oo ku beegneyd hal sano kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku wargelisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo.

 

Markii xukunka lagu dhawaaqay bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sheegay inuu yahay go’aan waxba kama jiraan ah, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo dhaweeyay go’aanka.

 

Fal-celintii Kenya

Garsoorka maxkamadda ICJ ayaa go’aamiyay in Soomaaliya ay leedahay inta badan xadka lagu muransanaa oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu tahay 100,000 kiiloomitir oo labojibbaaran, inkastoo qeyb yar oo ka mid ahna loo gooyay Kenya.

 

Uhuru Kenyatta ayaa maalintii xigtay khudbad uu jeediyay ku yiri: ”Kenya lama filaan kuma aha go’aankaas, waxay si weyn uga walaacsan tahay waxa uu sababayo go’aanka iyo caqabadaha uu u keenayo gobolka Geeska Afrika iyo sharciga caalamiga ah.

 

”Kenya waxa ay caddeyneysaa inay gebi ahaanba diidday oo aysan aqoonsaneyn waxyaabaha lasoo saaray iyo go’aanka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii go’aanka uu soo baxay ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, ayaa xilligaas meel fagaare ah uga mahad celiyay ”dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay si wadajir ah ugu istaageen difaaca badda [Soomaalilya].”

 

Waxa uu si gaar ah u bogaadiyay kaalintii uu sheegay inay ciyaareen Dr. Muna Sharmaan iyo Alle ha u naxariistee Inj. Maxamed Cumar Saalixi kiiskii muranka badda, middaas oo uu sheegay in ay xusuusnaan doonnaan.

 

"Guusha caawa Soomaaliya u soo hooyatay waa ka wayn tahay wax loo nisbayn karo qof… Aniga waqtigii aan joogay intii igala shaqaysay [arrintaas] waa ay mahadsanyihiin, intii iga horraysay ee howshaas soo gashayna waa ay mahadsan yihiin…

 

”Intii naga dambaysay, sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raggiisiina waa ay mahadsan yihiin, iyaguna waa ku adkaysteen in meesha lagu hayo oo hore loo sii wado… Madaxweyne Farmaajo waxyaabo badan oo aan ku kala ra'yi duwannahay ayaa jira laakiin qaddiyadan waan ku amaanaa, waanan ugu mahadcelinayaa," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Ma cadda waddada ay hadda labada dowladood ee deriska ah [Soomaaliya iyo Kenya] u mari karaan xal u helidda muranka ay horay maxkamadda ICJ usoo afjartay, horayna kiiskan u ahaa mid xasaasi ah oo dhinac walba uu mowqif adag ka taagnaa.

 

BBC


Loading...
Loading...