Waa Dastuur Jabin Hadii Xukuumadu Shuruud Ku Xidho Adeega Dadweynahaiyo Waxqabadka

0
Monday September 26, 2022 - 17:09:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa Dastuur Jabin Hadii Xukuumadu Shuruud Ku Xidho Adeega Dadweynahaiyo Waxqabadka

    W/Q:Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Mohamed Abdi Jama


Wax Qabadka Xukuumada Ee Deegaanada Dalka Shuruudi Kuma Xidhna Hadii Aan Duruufo Kale Jirin !

 

( Is-dhaaf dhaafka mudaneyaasha axsaabta kala duwani armay xeeladii xiligii shirgudoonka la dooranayey oo kale tahay )

 

In xukuumadu dadka jamhuuriyada Somaliland si isku mid ah wax u qabataa waa masuuliyada iyo waajibaad dastuuri ah oo saaran waxaana sheegaya qodobka 8aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

 

Waa masuuliyada uu u dhaartay madaxweynaha iyo masuul kasta oo xil qaran loo dhiibaa lagulana xisaabtamayo marwalba, waxa aan arkay xildhibaano badan oo xisbigii ay ka soo baxeen mawqifkiisii uga tagey wax ay ku sheegeen danaha deegaanada ay ka soo jeedaan , hadda garo oo xildhibaanku isaga ayaa u yeedhi kara ilaa madaxweyne?

 

Hadii lagu shaqeyn waayo sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland xubnihiisa 1aad , 2aad iyo 3aad waxaa imanaya in madaxweynaha iyo xukuumadiisa lagu soo oogo dastuur jabin sida uu sheegayo qodobka 96naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

 

Markaa ma jirto sabab dan deegaanka laga soo doortay awgeed uu mudane mawqifka xisbigiisa ugaga tagi karaa iyo takoor wax qabad la'aan ah oo uu kaga muteysan karo deegaanadiisu aragtidiisa iyo ra xisbiga uu ka soo baxay.

 

Danaha shaqsiga ahi way iska jiraan oo duruufaha iyo waayaha adag ayaa sababaya , dan kale oo magac iyo mansab weyn in qofku u doonto madaxweynaha iyo guriga dalka looga taliyaana waa jiri kartaa .

 

Isku soo wada xoori waxa uun jirta in aan xisbinimo mabaadii ku dhisani inoo dhisnayn dabarka ugu weyn ee dadka lagu hayaana qabiilka iyo qabyaalada yahay oo qof waliba maalinta u fursada helo uu iska danaysanayo.

 

Laakiin siyaasada Somaliland ayaa noqotay ninba meesha laga helo , dhinaca kale xirfad iyo xeelado aynaan hada ogeyn way noqon karaan is dhaaf-dhaafka mudaneyaashu sidii hore u soo dhacday xiligii shirgudoonka la dooranayey.

 

Mohamed Abdi Jama

 Dhimbiil Mohamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...