Laba Dhacdo Cajiib Ah Oo Tariikhdu Ka Qortay Gud. Saleebaan Wakhti Uu Mucaarid Ku Ahaa Xukumaddihii Taladada Hayay.

0
Monday September 26, 2022 - 16:59:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Laba Dhacdo Cajiib Ah Oo Tariikhdu Ka Qortay Gud. Saleebaan Wakhti Uu Mucaarid Ku Ahaa Xukumaddihii Taladada Hayay.

    "Sababta uu Guddoomiye Saleebaan u diidanaa waxyaabaha loo sababeeyo,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sababta uu Guddoomiye Saleebaan u diidanaa waxyaabaha loo sababeeyo,"


Oday Saleebaan laba jeer ayuu is yidhi aqalka weyn si fudud ku gala oo Madaxweyne noqo, mar waxay ahayd markii nidaamka Xisbiyada badan loo guurayey oo Distuurka ayuu ku tilmaamay shaadh Cigaal toshay, oo Salaadiin iyo Shir beeleed ayuu dhaqdhaqaajiyey, oo gurigii ay ku shirayeen Marxuum Cigaal ayaa Beebeeyo iyo Kaarayaal geliyey, isagana waa la xidhay.



Ta kale waxa ahayd mar la doonayey In muddo kordhin loo sameeyo Rayaale oo muddo kordhinta ayuu diidanaa, markaas habeenkii afartemeeyo Xildhibaanno ah oo Mucaaradkii wakhtigaas la abaabuleen ayuu haystay oo diidanaa iyaga muddo kordhinta, inkasta oo saacaddii dambe ee habeenkaas xildhibaanno siyaabo kala duwan u duday oo kuwo xaaladda caafimaad ku marmarsoodeen ay dhinacii Muxaafidka wakhtigaas u talaabeen,  muddo kordhintu sidii Xukuumaddu doonaysay u hir gashay.


Sababta uu Guddoomiye Saleebaan u diidanaa waxyaabaha loo sababeeyo, waxa ka mid ahaa damac ay Mucaaradkii wakhtigaas ku dhaliyeen oo ahaa adiguba dhex u sii hayn inta doorasho la gelayo.


Markaa imika malaha Guddoomiyaha Mucaaradkan numberro kala hadal sidii Mucaaradkii hore yacnihii meesha dhex u sii hayn ayaanay odhan

 

Weriye Saleban Saxansaxo

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...