War Degdeg Ah: Golaha Guurtida Oo Dib Ugu Celiyay G. Wakiilada Xeerkii Doorashooyinka

0
Monday September 26, 2022 - 12:29:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Golaha Guurtida Oo Dib Ugu Celiyay G. Wakiilada Xeerkii Doorashooyinka

    "Xeerarka wax laga baddalay ee labada dhinacba diideen, ayaa haatan dhex yaalla labada aqal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeerarka wax laga baddalay ee labada dhinacba diideen, ayaa haatan dhex yaalla labada aqal"


Hargaysa (HWN) Shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa dib ugu celiyay Golaha Wakiillada Somaliland Wax-kabaddelkii lagu sameeyay Xeer14 iyo Xeerka Doorashooyinka Guud ee Somaliland.

 

Balse shir guddoonka Golaha Wakiillada ayaa iyaguna dib usoo celiyay Xeerarkan, iyagoo diidey in ay qabtaan, maadaama ay horey usii ansixiyeen.

 

Waxaanay xildhibaanada golaha guurtidu sheegeen in 46 xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiiladu ay usoo gudbiyeen warqad ka dhan ah xeerkan ay manta celiyeen

 

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha guurtida oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay inay ahayd in xeerkaasi la horkeeno mudanayaasha golaha Guurtida si looga dooda, waxaanay ku eedeeyeen shirgudoonka Golaha guurtidu in xeerkaasi uu dib ugu celiyay golihii uu kayimid iyagoon soo hordhigin golaha.

 

Xeerarka wax laga baddalay ee labada dhinacba diideen, ayaa haatan dhex yaalla labada aqal ee Golaha Baarlamaanka



No description available.

 

Loading...
Loading...