Burcad Koonfur Afrikan ah oo boobay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

0
Monday September 26, 2022 - 10:37:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad Koonfur Afrikan ah oo boobay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

    Ciidamada ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dhaawacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dhaawacay



SAWIRKA MUWAADINKA LA DHAAWACAY




Kooxo Madow Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerareen Goobo Ganacsi oo muwaadiniin Soomaaliyeed ku leeyihiindegmada Motherwell ee dalkaasi Koonfur Afrika.


Goobta la weeraray ayaa Burcadda waxaa ay ku dhaawaceen Muwadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Maxmuud Cabdi Deyle balse loo yaqaano (Magnad), waxaana haatan dhaawaciisa la geeyay cisbitaalka Livingston si loo daaweeyo.


 

Ciidamada ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dhaawacay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan burcada dhaca iyo dhaawac u geeystay muwaadinka Soomaaliyeed balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.


Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah looga dhibaateeyaa Soomaalida, iyada oo loo geysto dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika waxka qaban la’dahay.

Loading...
Loading...