Bangiga Adduunka Oo Siinaya Pakistan $2 Bilyan, Ka Dib Fatahaadihii Ka Dhacay Dalkaas
Bangiga Adduunka ayaa
sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo
dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay
ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii
ugu ballaadhnaa ee illaa hadda lagu yabooho.
Roobabka dabaylaha wata
iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas
oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo
qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga
oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.
Guddoomiye ku xigeenka
Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku
dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay
ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.
"Aad baan uga xunnahay
khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala
shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah
loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.
Raiser ayaa la kulmay
wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee
gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay,
halkaas oo uu booqasho ku soo maray.
VOA