Maraykanka Oo Sheegay Inuu Ka Jawaabayo Haddii Ruushku Uu Weerar Nukliyeer Ah Ku Qaado Ukraine
Maraykanka ayaa uga
digay Ruushka "Cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u
isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, sidaas waxaa sheegay Jake
Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden oo Axaddii
warbaahinta la hadlay.
Sullivan oo marti ku
ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha
Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden
"uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu
amro weerar nukliyeerka ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga
jawaabi doono.
Jawaabta Maraykanka
ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar
nukliyeer ah, ka dib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeedhay illaa 300,000
oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka
socda dalka Ukraine.
Kordhinta ciidamadan
ayaa timid, ka dib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka,
iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaadhan oo ku yaalla
Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee
dagaalka.
Debedbaxyo ballaadhan
oo looga soo horjeedo baaqa dib ugu yeedhista ciidamada kaydka ah ee Putin ayaa
ka dhacay dalka Ruushka, iyada oo boolisku ay xabsiga u taxaabeen boqolaal
debedbaxayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Ruushka ee Moscow iyo magaalooyin kale
oo dalkaas ah.
VOA