Xukuumada Oo Golaha Guurtida Ka Dhex Bilawday Olole Ka Dhan Ah Xeerka Doorashada
Hargaysa (HWN) Qàar
kamid ah wasiiradda idman ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa Golaha Guurtida
ka dhex bilaabay ollole iyo muusanow beellaysan,kuwaas oo kullamo gaar gaar ah
oo beellaysan la yeeshay Xildhibaannada beelahooda ugu jira Golaha Guurtida.
Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Axmed Aadan
Buuxane ayaa la sheegay inay maanta huteelka Baraar ee Magaalada Hargeysa ay
kullamo kulla yeesheen qaar kamid ah Xildhibaannada Beesha samaroon ee Golaha
Guurtida,waxaana la weriyey inay arrimaha ay kale hadleen ay ugu mihiimsanayeen
xeerarka doorashooyinka ee horyaal Golaha,kuwaas oo la sheegay inay ka dalbadeen
inay diidaan oo aanay u codayn xeerarkaas,haseyeeshee waxa la sheegay in
xildhibaannada qaar ay diideen dalabka wasiirada idman,halka qaar kale ay soo
dhaweeyeen.
Sidoo kalena wasiirka
Wasaaradda gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa isna la sheegay inuu
kullan lamid ah kaas uu la yeeshay qaar kamid ah Xildhibaan Golaha Guurtida ugu
jira Beesha Ciise,kaas oo isna ka codsaday in aanay u coddayn ansixinta
xeerarkan xasaasiga ah ee Golaha horyaal.
Si kastaba ha-ahaatee
wasiirada idman ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaq-yo
siyaasadeed oo ay isku muujinayaan,isla markaana ay ku raalligenayaan
Madaxweyne Biixi,waxaanay isku dayayaan inay ku qanciyaan Xildhibaanada
beellahoodda ee Golaha Guurtida in aanay u coddayn ansixinta xeerarka kaabista
iyo wax ka beddelka laggu sameeyey ee doorashooynkan.