Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka

0
Sunday September 25, 2022 - 10:45:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda
May be an image of 3 people, people standing and indoor



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.
Loading...
Loading...