Isu-Eekaanshaha Muddo Kordhintii 2009 iyo Tan Soo Socota ee 2022.

0
Saturday September 24, 2022 - 19:34:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isu-Eekaanshaha Muddo Kordhintii 2009 iyo Tan Soo Socota ee 2022.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay



Madaxweyne Daahir Riyaale waxa loo kordhiyey laba goor oo kala ahaa 2008 iyo 2009-kii. Haddaba muddo kordhintan miiska saaran ee ay Golaha Guurtidu u sameyn doonaan madaxweyne Biixi waxa ay dhici doontaa sidii tii 2009-kii oo kale oo ahayd:

 

= Muddo kordhintii 2009-kii waxa ay ku timid markii ay guddiga doorashooyinku soo saareen wakhtiga ay doorashadda madaxtooyada ku qaban karaan. Ka dib madaxweyne Riyaale ayaa waraaq u qoray Golaha Guurtidu, taasi oo uu ku sheegayo inay is-waafajiyaan wakhtiga ay qabteen guddiga doorashooyinku inay doorashadda madaxtooyadu ku dhacdo iyo sidii ay xukuumaddu kursiga sharci ugu fadhi lahayd. Sidii ayey  Golaha Guutidu muddo kordhinta u cuskadeen.

 

Waxa ay adeegsadeen qoddobka 83-naad ee Distoorka, firqaddiisa 5-naad ee qabsoomid la’aanta doorashadda.

 

= Guddoomiyaha golaha Guurtidu wuxuu guddi u saari doonaa inay ka soo talo-bixiyaan mudadda ay suurtagal tahay in loo kordhiyo xukuumadda madaxweyne Biixi. Soo jeedinta guddigaasi ayaa golaha la kor keeni doonaa, markaasaa cod loo qaadi doonaa. tan iyo intii ay dhacayeen muddo kordhinuhu inta ay qabtaan guddiga doorashooyinku ayey golaha Guurtidu wax ku kordhiyaan.

 

= Doorashadda Ururrada waxa ay guddiga doorashooyinka ka hadli karaan, marka lagu wareejiyo natiijada ka soo baxda guddiga diiwaangelinta ururrada ee ah ururraddii soo baxay. Markaasi ayey sheegi karaan wakhtiga doorashadda ururradda iyo saddexda xisbi qaran ee jira ay qabanayaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...