Gari Allay Taqaanaa, Gardiid Waa Alle Diide, Go'aanka Ugudanbeeyiyo, Gaashaanleyaashaynu Sugnaa.

0
Saturday September 24, 2022 - 18:57:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gari Allay Taqaanaa, Gardiid Waa Alle Diide, Go'aanka Ugudanbeeyiyo, Gaashaanleyaashaynu Sugnaa.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.



Bismilaahi Alraxamaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B]



Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.


Gari allay taqaanaaye,Golahii wakiiladu,


Guul bay horseedeen,Galad Ebbe weeye,


Geyigay ka saareen,Go’doonkii la geliyey,


Garmaqaatayaashii,Guriguri inaga dhigay,


Gob inaynu nahayo,Geyin bay u sheegeen,


Gurmad fidiye qarannimo,Gibishayna turen,


Go’an geesi qaaten,Gaadhe lagama guraan,


Golahoodan dhaaftayo,Guurtiday la taalaye,


Gardaro iyo garawshiin,Geestay u laadaan,


Garab inay u leexdan,Gadhley aynu dhawro,


Gardiid inay noqdaniyo,Goolka inay la dhaliyan,


Guushana alla lehe,Geed lagu gabanayiyo,


Gurabaas dhamaayo,Gebegabeeye murankii,


Gardiidba alle diid ah,Guule naguma keene,


Gardariyo ninkeedna,Goob joogbaba loo yahay,


Ismail Abdillahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...