Kulmiyoow Meel U Dayo!

0
Saturday September 24, 2022 - 18:52:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiyoow Meel U Dayo!

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle



Sida ay sansaankeeda leedahay, ee dadka badankiisu isku raaci karo, ayaa u muuqda in Waddani oo hoggaaminaya aqlabiyadda labada gole ee Deegaanka iyo Wakiiladu, uu ku guulaysan doono tartanka madaxtinimada Soomaalilaan. Waa haddii ay daacad u dadaalaan, Guddiga doorashooyinka, golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo Fulintu.

 

Hadday dhici weydo doorashada Madaxtooyadu ama aan lagu sidkin tan Ururada, waxaa iyana loo badinayaa in ururka Kaah, Waddani iyo Urur ka soo bixi doona ururo midoobey ay guuldarro iyo halis gelinayaan Xisbiga Kulmiye iyo rajada mudane, Wasiir,Mujaahid Maxamed Kaahin dusha ugu soo bixi lahaa.

 

Marka uu Illaah wax wanaagsan kula maagan yahay sidii Madaxweyne Muuse ayuu Siilaanyo wax kuugu daraa, haddii kalena gidaar adag buu kugu beegaa.

 

Haddaba haddii la isku sidko labada doorasho, waxaa soo baxaya sida la isku raacay Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo ururka Kaah oo laga yaabo in uu madaxtooyada ku negaado. Taladaa uraysa iyo ciddii lahayd waxaa hore u sheegay guddoomiye Maxamuud Xaashi.

 

Guusha Kaah waxaa sii iftiimin lahaa iyada oo guddoomiye Xaashi qaato kaalintiisa uu hibada u leeyahay ee boqridda ( kingmaker ) kol haddii aanay beesha iyo isaguba haraadanayn. Waxay ku wanaagsanaan lahayd in uu dhiso xildhibaan faratoon, oo uu ku tuntuunsado in beesha Harti darka timaado, si Soomaalilaan u korto oo baalasha ula kala baxdo, guddoomiye Xaashi iyo mudane C/llahi Habbane, iyana ay toosnaanta maamulka Soomaalilaan Isha ku hayaan.

 

Ma jiro cid aan mudane Daahir Riyaale ahayn oo Awdal iyo oodda ku dhow uga xog ogaalsan, kana siyaasisan guurti Habbane iyo Xildhibaan Abiib oo Boorama u meteli lahaa Ururka Kaah iyo Soomaalilaan. Waxaa jiri doona ururo ku soo biiri doona Xisbiyada, iyada oo ururka Kaah qayb libaax heli doono.

 

Xisbiga Kulmiye, waxaa si aan la filayn lugaha iska laalaadin doona, guushiisana uu ku waayi doonaa, ballan daro iyo midowga cadhaysan ee Culimada, Ganacsatada, Madaxda dhaqanka, Saxaafadda iyo ino kale oo la isku geegeeyey. Siyaasaddu ma aha khiyaano, been, wacad fur iyo fankii Hanuuniye ee " shabkax. "

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Burco, Soomaalilaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...