"Waxa aan hambalyaynayaa shirkadda kalluunka qasaacadaysan ee Berbera Tuna Fish"

0
Saturday September 24, 2022 - 18:45:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa aan hambalyaynayaa shirkadda kalluunka qasaacadaysan ee Berbera Tuna Fish"

    Anwar Warsame Gudoomiyaha guud ee dallada SONSAF

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anwar Warsame Gudoomiyaha guud ee dallada SONSAF


Wax-soosaar dalka gudihiisu waxa uu horseeda kor u kac ku yimaadda dhaqaalaha Waddanka, waxa uu u abuura shaqooyin muwaadiniinta, sidoo kale waxsoo saarka dalka gudihiisu waxa uu ka dhigaa dhaqaalaha mid cago adag ku taagan oo aan la gadgadoomin isbeddelka suuqyada caalamka.



Habka ganacsiga Somaliland waxa uu muddo dheer ku salaysnaa in ganacsatadu alaab ka soo waariddo dunida (Export), arrintani waa arrin khatar badan ku ah sugnaanshaha dhaqaalaha, waana mushkilad wayn oo lagaga dooday shirkii dhaqaalaha qaranka ee dhawaan la qabtay, sidaa awgeed, wax-soosaarka waddanka gudihiisu waa arrin mudan bogaadin iyo dhiirigelin.


Waxa aan ku dardaarayaa shirkadda Berbera Tuna Fish in ay ilaaliso tayada wax soosaarkeeda, islamarkaana qiimaha iibku ka jabnaado kuwii dibadda laga keeni jiray"


Anwar Warsame Gudoomiyaha guud ee dallada SONSAF

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...