War Deddeg ah: Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne
oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka
Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel)
hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.
Waxaanay u dhignayd
Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo
Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa
Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Mudane, Naasir
Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir
Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda
Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland.