Biden oo khudbad ka jeediyey shirka QM ayaa cambaareeyey hanjabaada Ruushka

0
Thursday September 22, 2022 - 07:46:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden oo khudbad ka jeediyey shirka QM ayaa cambaareeyey hanjabaada Ruushka

    Biden oo khudbad ka jeediyey shirka QM ayaa cambaareeyey hanjabaada Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biden oo khudbad ka jeediyey shirka QM ayaa cambaareeyey hanjabaada Ruushka



NEW YORK(HWN):-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.


Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.


"aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

"Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.

"Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la'aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba - tani maaha kaftan" ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.

Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay "hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay "masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taas oo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.
VOA News ayaa qortay warbixintan
Loading...
Loading...