Nin Soomaali Ah Oo 20 Dollar Darteed Loogu Dilay Dalka Mareykanka

0
Thursday September 15, 2022 - 11:57:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Soomaali Ah Oo 20 Dollar Darteed Loogu Dilay Dalka Mareykanka

    Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kamarad ku dhaganeyd taksiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kamarad ku dhaganeyd taksiga




Nin Soomaali ah oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD.



 

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xidhay nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabadh 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka.


 

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isaga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur muddo badan albaabadiisa furan yihiin.


 

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen meydka Cabdulaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ayada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.


 

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.


 

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kamarad ku dhaganeyd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaadhiga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bastoolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.


 

Booliska ayaa sheegay in muuqaalka laga maqlayo Riley oo Cabdulqaadir weydiinaya halka ay ku xidhan tahay kamarada gaadhiga, kadibna ku eedeynaya in aanu maqleyn amaradiisa.


 

Riley ayaa kadib la maqlayaa isaga oo leh "ma waxay kula tahay inaan cayaarayo? Ma waxaad dooneysaa inaad dhimato? Ma waxaad dooneydaa inaad dhimato?”


 

Sidoo kale, inta gaadhiga uu socday waxay u muuqatay inuu jiray muran ku saabsan $20 oo Cabdulqaadir Filanwaa uu weydiistay Riley inuu bixiyo, balse Riley uu diiday inuu siiyo.


 

Markii gaadhiga uu istaagay, Riley ayaa weydiistay Cabdulqaadir inuu laydhka gaadhiga damiyo, kadibna wuu toogtay. Wuxu kadib kusii dhufat laba xabad oo kale.


 

Kadib markii ay xidheen booliska, Riley iyo Martin ayaa hadalladooda ay isburiyeen waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen toogashada.


 

Si kastaba, Riley ayaa markii dambe qirtay inuu toogtay Cabdulqaadir Filanwaa, balse waxa uu yidhi "ma dooneyn inaan sidaas sameeyo, waxaa dhacay isfaham waa.”

Loading...
Loading...