Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika

0
Thursday September 15, 2022 - 11:02:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika

    Weerarka Koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Queenstown

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarka Koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Queenstown



Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah dalkaas waxaa ay siyaabo kala duwan weerar dil iyo dhaawac ugu geysteen dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka ku Ganacsada Gudaha dalkaas.


 

Weerarka Koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Queenstown oo dhacda Gobalka Eastern Cape, waxaana Kooxaha Burcadda ah ay dileen, iyaga oo Gacmaha ka xir xiray muwaadin Soomaaliyed oo lagu Magacaabi jiray Salmaan Cabdullaahi Cusman.



 

Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxaha Burcadda ah ay sidoo kale dab qabadsiiyeen Dukaankii uu ku Ganacsanayay Salmaan kadib markii ay six un u dileen.


 

Marxuumka, kaligiis ayaa Dukaanka joogay, sida ay Boliiska South Africa baaritaankooda ku sheegeen Dukaanka saqafka kore ayaa loogasoo galay xilli uu Korontada ka maqneed Xaafadda, markii hore dadka waxay sheegeen in Marxuumka uu u dhintay koronto gubtay, balse Saraakiisha dambi-baarista ayaa markii dambe xaqiijiyey in Tooreey Dhabarka uga tiilay Salmaan, Gacmaha xarig looga sirqiyey ayuu yiri” Mid kamid ah Soomaalida kunool halka uu dilka ka dhacay.


 

Dhinaca kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxaa ay ku dhawaceen dukaan uu ka shaqeeynayay oo ku yaalla xaafada Keystana ee hoostagta degmada Cosmo City ee magalada Johannesburg.


 

Muwaadinka oo lagu Magacaabo Cusmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa sida ay xaqiijiyeen ehelaldiisa ay kooxaha burcadda ah dhac u geysteen dukaanka, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.


 

Ciidamo katirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu falka ka dhacay, iyaga oo dhaawaca Muwaadinka Soomaaliyeed geeyay isbitaalka helan Joseph ee magalada Johannesburg

Loading...
Loading...