10 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Dhinaca Cirka Ah Oo Ka Dhacay Mekelle
10 qof ayaa lagu dilay
Arbacadii weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya,
sida ay xaqjjiyeen saraakiisha isbitaalka, iyada oo ciidamada TPLF ay ku
eedeeyeen ciidamada deriska ah ee Eritrea inay mar kale ku biireen dagaalka ka
dhanka ah.
Dowladda Itoobiya oo
tan iyo dabayaaqadii 2020 dagaal kula jirtay Jabhadda Tigray-ga ayaan si degdeg
ah uga jawaabin codsiyo ku aaddan duqeymaha cirka, dagaalka iyo joogitaanka
ciidamada Eritrea.
Diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ee Arbacadi duqaymahan ka gaystay magaalada Mekelle ayaa kusoo
beegmay xili kooxda TPLF ay soo bandhigtay heshiis xabbad-joojin ah dhammaadkii
toddobaadkan.
Dhibanayaasha Mekelle
waxaa ka mid ah aabbe lagu dilay duqeyntii labaad iyo wiil uu dhalay oo
dhakhtar ahaa, kaasoo dhaawacmay isagoo daryeelaya dhibbanayaasha, sida ay
sheegtay Vasika Amdislasi, oo ah dhakhtar qalliin oo ka tirsan Isbitaalka Ayder
Referral ee magaalada Mekele, waxaana duqeyntaas sidoo kale ku dhaawacmay 13
qof.
Shan ka mid ah
dhibanayaasha ayaa dhintay intii loo sii waday isbitaalka, sida uu xaqiijiyay
Kipirum Gebrselassie, oo ah maamulaha guud ee Ayder. Isaga oo soo xiganaya isku
duwaha xaaladaha degdegga ah ee Mekele, wuxuu sheegay in shan qof oo kale ay ku
dhinteen isla goobta oo lagu magacaabo Dajem Amsal.
Iyadoo dagaalo ay ka
socdaan qaybo badan oo ka tirsan gobolka Tigray iyo gobolka Axmaarada ee
dariska la ah, ayaa taliyaha guud ee kooxda TPLF Tadesse Werede uu ku sheegay
waraysi uu siiyay telefiishanka Tigray-ga Talaadadii in milatariga Eritrea ay
qabsadeen magaalada Shiraro oo u dhaw xadka.
VOA