Madaxweyne Erdogan Oo Hanjaad U Diray Dalka Armenia
Madaxweynaha Turkiga
Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in hab-dhaqanka Armenia ee ku aaddan
Azerbaijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto
cawaaqib xumo weyn, kadib maalmo ay dagaal iskaga horyimaadeen labada dal ee
deriska ah.
"Waxaan u aragnaa inay
tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta
Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii – la gaaray kadib dagaalkii (2020) ee
Azerbaijan ku guuleysatay –,” ayuu Erdogan ka sheegay isu soo bax ka dhacay
caasimadda Turkiga ee Ankara.
Armenia iyo Azerbaijan,
oo tobannaan sano isku khilaafsanaa deegaanka Nagorno-Karabakh, ayaa midba
midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay isku dhacyo xuduudeed oo dhacay gelinkii
dambe ee Isniintii.
"Waxaan rajeyneynaa in
Armenia ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo laabato wadadan qaldan, ayna
waqtigeeda iyo xooggeeda u isticmaasho xoojinta nabadda” ayuu sii raaciyay
Erdogan.
"Waxay
dabeecadani, dabcan, u horseedi doontaa cawaaqib xumo dhinaca Armenia, taas oo
aan kaliya buuxin shuruudaha heshiiska la saxiixay, laakiin sidoo kale
muujinaysaa dabeecad dagaal oo joogta ah." ayuu yiri Erdogan.
Isku dhacyada ka socda
isgoysyada la iskaga kala gudbo Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, ayaa soo jiidan
kara quwado waaweyn sida Ruushka iyo Turkiga iyada oo khatar gelinaysa dhuumaha
keena galbeedka saliidda iyo gaaska.
Erdogan iyo
madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka wadahadli doona dagaaladii ugu
dambeeyay marka ay ku kulmaan magaalada Samarkand ee Uzbekistan dabayaaqada
toddobaadkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Turki ah Arbacadii.
VOA