Daraasad Lagu Ogaaday Sida Ugu Fiican Ee Loo Aamusiin Karo Cunug Oynaya
Seynisyahanno ayaa
sheegay in ay heleen jawaabta ugu habboon ee ay ku raadinayeen cilmi-baaris
lagu ogaanayay sida ugu fiican ee loo aamusiiyo ilmaha marka ay oynayaan.
Tijaabooyin qeyb ka
ahaa daraasadda oo laga sameeyay dalalka Japan iyo Talyaaniga ayaa lagu soo
bandhigay Majalladda "Current Biology”.
Waxaa daraasaddan lagu
ogaaday in sida ugu habboon ee loo aamusiin karo cunug oynaya ay tahay in
laabta la geliyo oo lala socdo muddo shan daqiiqo ah, kaddibna lala fariisto oo
isla qaabkaas loo hayo shan ilaa siddeed daqiiqo oo kale.
Khubaradu waxa ay ku
taliyeen in markaas kaddib cunugga dib loogu celiyo meeshii laga qaaday markii
ugu horreysay.
Qoraaga hoggaamineysay
cilmi-baaristan, Kumi Kuroda, oo ka tirsan Xarunta Seyniska ee Japan, ayaa
sheegtay in iyadoo xitaa soo korisay afar carruur ah aysan waligeed waxba ka
ogeyn habkan, sidoo kalena aysan fileyn natiijadan.
Sidee loo sameeyay
daraasadda?
Kooxda seynisyahannada
ah ayaa markii hore sameeyay cilmi-baaris ay u ugu kuur galeen habka nolosha ee
eeyaha, daanyeerrada iyo jiirarka.
Waxaa la xaqiijiyay in
xayawaankan dhammaantood ay ilmahooda xasilaan marka ay la socdaan iyagoo
xambaarsan, mar walba oo ay sidaas sameeyaanna garaaca wadnaha cunugga hoos u
dhaco ama gaabiyo.
Daraasadda lagu
sameeyay bani’aadanka ayaa loo adeegsaday 21 hooyo.
Hooyooyinka heystay
carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 0 ilaa 7 bilood ayaa lagu tijaabiyay afar
xaaladood: in la xambaaro oo lala socdo, in dhabta la saaro hooyada oo fadhisa,
in la geliyo sariir aan dhaqdhaqaaqeyn iyo in la saaro sariir ruxeysa.
Natiijada ayaa muujisay
in sida ugu fiican ee uu cunugga oynaya ku aamusi karo ay tahay in la qaado oo
lala soc-socdo cabbaar.
Marka sidaas la
sameeyo, waxay u badan tahay in cunugga u uku aamuso ilaa 30 ilbiriqsi,
islamarkiina uu garaaca wadnihiisa xasilo.
Waxaa daraasaddan lagu
ogaaday in arrintan ay ka fiican tahay sidii la aaminsanaan jiray oo inay tahay
habka ugu fiican ee loola dhaqmo carruurta oyneysa, oo ahayd in la saaro dhabta
hooyada oo fadhisa.
Seynisyahannada ayaa
sidoo kale ogaaday in haddii cunug oynaya la soc-socdo muddo shan daqiiqo ah ay
u badan tahay inuu hurdo daqiiqadahaas gudahooda.
Boqolkiiba 46 ka mid ah
carruurtii tijaabadaas la mariyay ayaa seexday, markii hal daqiiqo oo lixaad
lagu sii darayna, boqolkiiba 18 ka mid ah oo kale ayaa seexday.
Sidaas awgeed habkan
[in la xanbaaro oo lala socdo cunugga] uusan joojineyn oo keliya oohinta base
uu sidoo kale billow u yahay hannaanka hurdada.
BBC