Qarni Ka Hor Kacdoonkii Cashuuraha Ee Burco Iyo Qaraxii RAF, Iyo Xaalka Maanta

0
Tuesday September 13, 2022 - 09:36:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarni Ka Hor Kacdoonkii Cashuuraha Ee Burco Iyo Qaraxii RAF, Iyo Xaalka Maanta

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal


Reer Burco waxay isku dhaceen 1922kii Ingiriis ka dib markii cashuur badan lagu soo rogay. Waxa ay ka gadooday diidmo ka dhan ah cashuurta taasina waxa ay sababtay in ay gadood sameeyaan oo ay weeraraan masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska. Rabshadahaas ka dhashay israsaasayn dhexmartay Ingiriiska iyo reer Burco, waxa toogasho lagu dilay Kabtan Allan Gibb, oo mid kamid ah ragii gobolka madaxda kamid ahaa iyo guddoomiyihii degmada burco. Ingriiska oo ka baqaya in ay xakameyn waayaan kacdoonka ayuu ka codsaday Sir Winston Churchill (oo ahaa siyaasi, askari iyo qoraa Ingiriis ah, waxaanu raysal wasaare ka soo noqday dalka Ingiriiska intii u dhaxaysay 1940 ilaa 1945, dagaalkii labaad ee aduunka) Xoghayihii Gumaysiga ingiriiska, in uu Cadan ka soo diro ciidan iyo diyaarado si ay u duqeeyaan magaalada burco una baabiiyaan xoolaha beelaha gadooday. Waxa kale oo hadalkiisa uu ku daray Sir Winston  tani inay ka hortagi karto in beelahani jabhad ku abuuraan gumaystaha ingiriis ee gobolka jooga kuwaas oo cabsi wayn ka qabay cashuur diidka reer burco.

 

Hadaba reer burco iyaga oo wada jir ah way ku guulaysteen in aanay aqbalin cashuurtii ingiriis, iyo sidoo kale cadaadisyadii kale ee ka dhashay dilkii Allan Gibb.

 

100 sanno kadib Reer burco ma diidi doonaan in xoolaha gobolkooda lagu cashuuro Magaalada berbera? sidoo kale reer burco ma ku dhiiran doonaan inay diidaan in agabka gobolkooda yimaada lagu soo cashuuro gobolo kale oo iyagu aan xaq u lahayn?

 

Diyaaradihii uu codsaday Sir Winston ee loo yaqaanay RAF ayaa laba maalmood gudahood ku yimi magaalada Burco, waxaanay u sii gudbeen inay magaalada burco duqeeyaan oo dab qabadsiiyaan, waxaanay markaa dab qabad siiyeen dhul daaqsimeed badan oo gobolka togdheer ka tirsan.

 

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...