Xisbiyadda Mucaaridku ha ka Tanaasulaan Jidka Qodaxda leh ee ay Qaadeen
Jamhuuriyadda
Somaliland waa 31 jir, dawladnimadeeduna adkaatay oo ka gudubtay marxalad ay
dabayluhu ruxi karaan Qarannimadeeda jiridaysatay ee innagu taagan qiimaha adag iyo xinjirta geesiyo badan oo
naftooda ku waayey sidii aynu ugu
naalloon lahayn qarannimada aynu haysanno.
Jamhuuriyadda
Somaliland waxay ku timid rabitaanka shacbiga,waxana lagu bineeyey
dimuqraadiyadda iyo kala fikir duwanaanshaha siyaasiyiinta. Waxa kaloo
dastuurka dalku dhigayaa inay Somaliland tahay qaran madax-bannaan oo uu ka
jiro nidaamka axsaabta badan, si dadweynuhu ay gacmahooda ugu cugtaan madaxda
hoggaaminaysa.
Sidaas darteed,
Jamhuuriyadda Somaliland ma aha dal qof iyo cid gaar ahi xuurtaysan karto, hase
ahaatee waxa waajib ah in cid kasta oo hunguraynaysa xilalka sare ee qaranku ay
ku timaado cod, balse Dastuurku wuu innaga xarimay in sharciga gacanta lagu
qaato.
Somaliland maanta
waa u waayo arag oo way dhaaftay sabankii qarannimadeenna siyaasi xil
doon ahi hagaasin lahaa.
Somaliland iyadoo
korinaysa dimuqraadiyadda, waxa sharcigu
dhigayaa in tobankii sannadoodba hal mar la furo ururrada siyaasadda, si looga
qaybgeliyo hoggaaminta waddanka cid
kasta oo doonaysa inay kaalin ka qaataan miidaanka siyaasadda. Waxa hadda dalka
ka socda hayaankii labaad ee furista ururrada Siyaasadda, waxana la marayaa
marxaladii lagu sii kala shaandheyn lahaa Ururrada siyaasadeed ee is
diiwaangeliyey ee lagu wado inay galaan doorashada tooska ah ee ururrada cusub iyo saddexda xisbi qaran ee
wakhtigoodu dhammaanayo ku loolami doonaan. Waxa kaloo 13ka November ee 2022ka qorshaysan doorashadii
madaxtooyada, waxana soo horaynaysa doorashada ururrada, si saddexda xisbi ee
soo baxaa ugu tartamaan doorashada madaxtooyada.
Xisbiyada mucaaridka ah
oo liqi waayey isbeddelka cusub ee
sharcigu jideeyey, waxay muran geliyeen dalka lixdii bilood ee la soo
dhaafay,iyagoo dhabarka u jeediyay in
khilaafka kala hor marinta doorashooyinka lagu kala baxo Hay’adaha Garsoorka
dalka.
WADDANI iyo UCID waxay
dalka ka dhigeen 11kii Bishii Ogos bannaan-bax khasaare dhaliyey oo ay ku
dhinteen 7 qof, boqol kalena ku dhaawacmeen, taasi oo nusqaan ku ahayd amniga
iyo wadajirka JSL ku caan-baxday.
Waxa ray’ul-caamka
bulshadu la fajaceen in Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa
madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay mar
kale taageereyaashooda ugu baaqeen mudaharaadyadii la joojiyey, taasi oo ah fal
lagu waxyeelaynayo Qarannimada iyo qadaf ay ka galayaan shuruucda dalka. Waxa
kaloo la yaab leh in Guddoomiyaha UCID uu gaadhay heer uu ku dhawaaqo inay ku riyoonayaan inay samaynayaan dawlad sharci darro ah, haddii doorashada
madaxtooyadu dib u dhacdo.
Guddoomiyeyaasha Urur
siyaasadeedyada HILAAC iyo WAABERI Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo
Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka soo jeeda deegaannada darafyada,
ayaa dhawaaqyada xisbiyada mucaaridka ku tilmaamay hadimo waxyeelo u soo jiidi
karta Somaliland, Waxaanay madaxda mucaaridka u soo jeediyeen inay joojiyaan
kala qeybinta ummadda reer Somaliland.
Labada guddoomiye urur
waxay sheegeen in JSL tahay dal la wada leeyahay, isla markaana muddo dheer ay
daawanayeen iyadoo masraxa siyaasadda ay ku hirdamayaan saddex guddoomiye xisbi
oo ka soo wada jeeda beesha dhexe, waxana ay ku doodeen inay diyaar u yihiin
inay calafkooda ka qaadaan tartanka doorashada ururrada siyaasadda ee ay
fursada u heleen.
Ugu dambeyn, shacabka
JSL way ka ilbaxeen wakhtigii siyaasi kursi doon ahi durbaannada qabyaalada u
garaaci jiray, waana in cid kasta oo wax tabanaysaa ay u marto cabashadeeda
dariiq ku sallaysan sharci iyo
nabadgelyo. Waxaanan leeyahay "Somaliland ciddina ma waxyeeli kartee yaanay
magac xumo idin raacin ee ka tanaasula jidka qodaxda leh ee aad cagta
saarteen.”
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!