Laba Isku Lamaan: Is Ururintii Boorama Iyo Tamashlayntii Gabiley
Markasta oo uu safar
ugu baxo Madaxweyne Biixi Gobollada dalka ama Magaalooyinka kale duwan ee
Somaliland, waxaynu arragnaa isagoo xidhan qalabka xabad celiyaha ee loo
yaqaano ( BULLETPROOF VEST ), isla markaana ay ciidamo aad u tiro baddan ay
illaalinayaan,kaas oo inta baddan baabuurta ku dhex mara Magaalooyinka illaa
inta uu ka gaadhayo madaasha uu ku hadlayo ama hoyga uu degayo.
Hase-yeeshee socdaalkii
uu Madaxweyne Biixi ku yimi maanta Gabiley ayaa ahaa mid ka duwan safarkisii uu
ku tegay khamiistii Magaalada Boorama iyo socdaaladii uu hore ugu tegay
Magaalooyinka Ceerigaabo Berbera iyo Burco,waxaana la arkayey Madaxweyne Biixi
oo maanta ku temeshlayna Gabiley,isla markaana si kalsooni leh u dhex ordaya
suuqa.
Sidoo kalena waxa la is weydiinayaa sababta uu
Madaxweyne Biixi oo Magaalada Boorama oo ku suntan hoyga nabada uu uga baqday
inuu tamash-leeyo suuq-yadeed ,kaas oo ka maagay ama ka baqday inuu socod,
oradku ha joogee ,balse taasi may dhicin
ee wuxuu ahaa Madaxweyne Biixi intii Boorama jooga mid baqanaya oo ku xidhan
qafis.
Haddaba kad-ladii iyo
kabash-kabashtii Madaxweyne Biixi ee Gabiley waxay muujinaysaa inuu yahay
caaqilkii uu hore u sheegay inuu u yahay cid gaar ah ama qoyska gaar ,waxaanay
arrintani caddanaysaa inuu Muuse Biixi yahay Madaxweyne marka uu Magaallooyinka
kale ee dalka socdaalka ku taggo ku dhex-mara bay-bayo iyo kaarayaan iyo
gaadhiyaal aanay xabadu garin iyo weliba saabka xabada celiya oo uu xidho "Bulletproof vest”,waxaanay xusid
iyo xasuusin muddan socdaalkiisii uu ku tegay Magaalada Ceerigaabo.
W/Q:Hibo Muuse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!