Yaan Uga Dacwoodaa Dulmigii Igu Dhacay...?

0
Sunday September 11, 2022 - 07:37:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaan Uga Dacwoodaa Dulmigii Igu Dhacay...?

    Maxaa la igu dilay, la igu xidhay ee lacagta intaa leeg la igaga qaatay, Simcard kiina la iiga tuuray...?!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa la igu dilay, la igu xidhay ee lacagta intaa leeg la igaga qaatay, Simcard kiina la iiga tuuray...?!!


Ma tafaaxal khayrkii aan sameeyay ayaan ku Mutaystay waxaas tacaddi ah?!!

Waxay ahayd Saaka 8:00 aroornimo wakhti aan ku jiray hawl maalmeedkayga shaqo ee caadiga ahaa, ka dib markii aan kasoo noqday qof dumara oo aan geeyay Kaalinta Kaah dhinaceeda bari.



Waxaa agagaarka Markaska Tabliiqa igu joojiyay 5 Askari oo police ah waxaanay igu yidhaahdee ''adeer nasii qaad,, waanan qaaday, cabaar markii aan soconay ayay 3 ka mid ah raggii police ka ahaa iga dageen waxaanan usoo dhaqaaqay dhinaca galbeed ee wadada new Hargeisa dhex marta.


Labadii askari ee hadhay mid ka mid ah oo Shidhka hore fadhiyay ayaa dhirbaaxo aanan filayn wajiga iga huwiyay, yaabay oo idhi maxaad samaysay waayo xataa hadal nama dhex marin askariga I dhirbaaxay.


Markii aan su,aalay ''maxaad igu dilaysaa ee aan sameeyay,, intuu hooyaday caayay qoriga dabadiisana feedhaha dhinacooda bidix igaga gujiyay ayuu yidhi '' lacag keen hadii kale waad xidhantahay.


Anigoo yaaban ayaan si cadho leh ugu jawaabay maxaan lacagta ku bixiyaa ee aad igu haysataan,

Ka dib labadii askariba intay qoryihii igu qabteen ayay igu leexiyeen xarunta Ciidanka taraafiiga oo ay yidhaahdeen ''xidha ninka wuxuu soo hor maray gaadhigii taliyahee,,


Cajab; furihii gaadhiga iyo telefoonkiiba la iga qaad, suunkii iyo kabihiina inta la iga saaray ayaa meel la igu xareeyay.


Waxaan ku jiray ilaa 5:50 galabnimo waxaana la iga qaaday lacag dhan: 500,000slsh ah Simcard kii mobile ka iigu jirayna inta laga saaray ayaa la iga tuuray.


Hadaba maxaa la igu dilay, la igu xidhay ee lacagta intaa leeg la igaga qaatay, Simcard kiina la iiga tuuray...?!!

Ma tafaaxal khayrkii aan sameeyay ayaan tacadigaas oo dhan ku Mutaystay.?!!

Yaan se uga dacwoodaa dulmigii igu dhacay ee police ku ii gaystay..?


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...