Somaliland Waxay Taagan Tahay Isgoys Khatar Weyn
7 Sep 2022
Somaliland waxay taagan
tahay maanta isgoys aad iyo aad u khatar badan.Isgoyska waxa ka baxaya 4
Wado,oo mid waliba jaho gooni ah u socoto,way kala khatar badan yihiin,sida
hadda wax u socdaana ma jirto qof
saadalin karta ,4taa dariiqa kay Somaliland
raaci doonto iyo cida ka saaraysa midna.4taa dariiq waa :-
1. DOORASHO heshiis lagu yahay,waqtigeeda iyo
nooca ay tahay mucaarid iyo muxaafba,waana dariiq aad u fiican,waa dariiqii
aynu hore ugu soo nabad iyo caano maalay.
2. AYNU ISKA KALA TAGNO.,Reer waliba
Deegaankii ha maamusho,wixii ILLAHAY ka siiyana ha ku
kalsoonaado,cashuur-khayraad kay doonto.Haddii Dooraho lagu heshiin waayo,waa
dariiq lagu kala nabad geli karo,dhibna kama jirto,waa deris wanaag iyo wada
noolaasho.
3. WAA AYNU ISDILO,waa dariiq aad u dhib
badan,cidna dani uguma jirto,waa kaa dhimay iyo kugu dhimay,waa burbur naf iyo
maalba leh, waa dariiq aad u fool xun.
4. AYNU IS GUMAYSANO,waa aynu kala adkaano,waa
aynu isu xoog sheegano,waa in ay
ogolaataa cidii laga xoog bato,in la gumaysto,ceebna maaha in lays gumaysto,kii
Ingiriiskaba waynu soo marnay. Waa dariiqa Jabhadaha iyo gobanimadoonka.
Hadal iyo dhamaan waa
laga yaabaa in aad dhibsato qoraalkayga,laakiin markaa dhinac walba ka
eegay,wax badan dhegaystay,akhriyey waxaa ii muuqatay in aanay jirin wado kale
oo inoo banana,haddii aynu reer Somaliland nahay maanta,ee saaxibayaal mid inoo
doora amase dariiqee inagu haboon in aynu maanta raacno?,haddii aad dariiq
kuwan ka duwan aad haysana ii soo sheeg,waa wax fiicane!!
ALLAA. MAHAD LEH
Amb. Mingiste
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!