Fasal Iyo Duqaa Cali, Danahooda Gaarka Ah, Haddii Aad U Daysaan, Dagaalwaa Ka Xaaraane, Kala Baro Dadkaago, Dawladaay Ha Nagu Dirin.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
Duqba loo tumaa geela,Darka hadduu ka maagiyo,
Didmo iyo hadduu qabo,Wax dareer u diidaayah,
Dushiisa ceelka joogoon,Dibnaba looga celin karin,
Degdegsiinyo door ma leh,Dadna maxaw malaysen,
Dukaan adiga kuu xidhan,Daaqad tuug ka so dhacay,
Dacwadi miyay ka furntahay,ku dagaalan mooyaane,
Denbi Fasal muu geline,Waase laga gardaran yahay,
Duulaan col soo galay,Habeen dedan ku soo degayo,
Dushuun weerar kaga yimid,Dalawdii u irmaanayd,
Dareersanaaya ha daawado,Daw ma loogu leeyahay,
Denbi fasal muu geline,Difaacuun weeye gobanimo,
Waana lagu dirqiyayoo,Dulqaadkiina dhamaad noqoy,
Dagaal muu u jeedino,Isagiyo duqaa cali dameero,
Weeye qaranooy,Dabarna ku xidhanyahiine,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!