Sida Aynu Isku Maamulo Iyo Aqoonta Aynu Baranaa Ma Tahay Mid Wax Ka Taraysa Dalkeena Iyo Qaarada Aynu Ku Noolahay ?

0
Saturday September 10, 2022 - 09:42:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sida Aynu Isku Maamulo Iyo Aqoonta Aynu Baranaa Ma Tahay Mid Wax Ka Taraysa Dalkeena Iyo Qaarada Aynu Ku Noolahay ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama


Sida aynu ka war qabno 1884 ayaa Africa la qaybsaday oo dawladihii gumeystuhu gobol-gobol u gooyeen lagana dhigay dalal u habeysan sidii maamuladii ku soo duuley u qorsheeyeen.

 

Waxaa laga hirgaliyey maamul dawladnimo oo ku cusub qaarada kana duwan sidii ay dadkii Africa ku noolaa isku maamuli jireen , waxaa la inoo keenay nidaam waxbarasho oo casri ah oo loogu talogalay in uu soo saaro qofka ay rabaan.

 

Sida aynu taariikhda ku aragnay dadkii waxbartay in kooban baa baraarugtay oo qaaday ololihii la odhan jirey pan-Africanism si dadkoogu u helaan xornimo iyo maamul ay iyagu leeyihiin,  sidii dib loogu helay xornimo dhuleed laakiin lama helin xornimo aragtiyeed iyo aqooneed.

 

Dalalka Africa in kooban baa doontay in ay soo saaraan dadka ay raabaan iskuna maamulaan sida ay jecel yihiin sidoo kale waxii wanaagsan ee anfacaya ay ka qaataan dunida kale ( pragmatism) runtii fursad lama siin , hadii aan cadaw kaleba soo weerarin waxa la dagaalamaya nidaamka loogu talogalay in la isku maamulo Iyo tacliinta loo dejiyey.

 

Arimahani waa dhibaatada ugu weyn ee haysata wadamada loogu yeedhay dunida sadexaad iyo Africa ilaa maantana xal looma helin , sidoo kale waxaa laga dhaxlay burbur iyo khilaafyo hor leh oo hore loo socon kari waayey.

 

Sanadkii 2007 markii dalka Kenya la isku dilay doorashada ayuu wasiirka arimaha dibada China yidhi maraykanka iyo xulafadiisu waxa ay dadka Africa ku jujuubayaan nidaam maamul oo aanay ab iyo isir u lahayn waxaana uu sababay dhibtaasi dhacday !!!

 

Isku soo wada xoori maanta meel laga noqdo lama joogo ee waxa inoo eeg uun laba arin midkood ;

 

1- in loo samro sida aynu isku maamulo oo aynu dabada uun hayno meel uu inala tagoba.

 

2- In maamulka iyo aqoontaba aynu ka dhigno mid wax ka taraysa oo ku jaan go'an dalalka aynu ku noolahay iyo dadku waxa ay aaminsan yihiin.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...