Degenaasho Iyo Nabad Aan Ku Soo Dabaalnee, Dulsocodkeeni Ugudara, Dariiqeeni Jeexnaa.

0
Sunday September 04, 2022 - 10:56:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degenaasho Iyo Nabad Aan Ku Soo Dabaalnee, Dulsocodkeeni Ugudara, Dariiqeeni Jeexnaa.

    W/Q: Ismail Abdilaahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdilaahi Handuleh



Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha,

 

 

 

Dorashada sugaysaan,Dawakhiyay asxabtii,

 

Dalka kama dhacayso,Dawladu uma jeedee,

 

Dibadbaxina mooye,Da’yarta hayga laynina,

 

Dimuqraadinimadana,Afrikiba ma doontee,

 

Duul waalan baad tiin,Dano kale ku foofoo,

 

Durbaanada xareeyo,Duuduubta calamada,

 

Dagaal iyo colaadana,Dadku way ka daleen,

 

Duqayntii Siyaadiyo,Dulcad bay xasuustaan,

 

Darxumiyo abaariyo,Dalandol u dheeryahay,

 

Dani hadday tidhaahdaba,Dagaalyaa idiin geli,

 

Dawadeenu nabad weeye,Dibugurasho xeeled,

 

Degenaan ku laabtoo,Distoorkeena dibu fura,

 

Dulsocodkeeni soo jiray,Dariiqeenii jeexnaa,

 

Dani waxay ku leeday,Duqa labada ugu dara,

 

Diidaa iyo yeeshaanba,Dantu seeto weeyaan.

 

             Ismail Abdillahi Handuleh.

.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...