"Doodda Ujeedka Jiritaanka Kawnka" cabdinaasir Axmed Abraham.

0
Sunday September 04, 2022 - 08:35:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Doodda Ujeedka Jiritaanka Kawnka" cabdinaasir Axmed Abraham.

    TELEOLOGICAL VIEW; Waa aragti qabta in jiritaanka kawnku ujeeddo, abuure iyo wakhti dhammaad leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TELEOLOGICAL VIEW; Waa aragti qabta in jiritaanka kawnku ujeeddo, abuure iyo wakhti dhammaad leeyahay.


Haddaba aragtidani waxay ku fadhidaa caqiido diimeed oo Islaami ah.

MECHANISTIC VIEW; Waa aragti qabta in aan jiritaanka kawnku ujeeddo iyo bardhamaad midna aanu lahayn. Shaqada dunida ka socotaana ay tahay mid ka dhalatay xooggag dabiici ah oo iska socda. Fekerkani wuxuu marin-habaabiyay, aadna u ambiyay Sayniska oo runta iyo cilmiga u haysta, keliya waxa shanta dareen lagu  ogaan karo "Imperical Science" kuna foogan  u-kuur-gelista abuurriinka, indhahana ka qarsada xaqnimada Rabbiga abuuray abuurriinka.



Haddaad akhridaan buugga Imaam Qaasaali ee la yidhaa; "The Incohorence of the Philosophers."  Wuxu ku durayaa; Fahan-darraanta filasoofyada reer Galbeed ee rumaysan aragtidan.


Haddaba waxa jirta aragti kale oo damacday in ay dhexdhexaadiso labada aragtiyood ee iska soo horjeeda ee kala ah; "Teleological View / Mechanistic View"


Waxaana la yidhaahdaa, "EUTAXIOLOGICAL VIEW"  iyaduna waxa ay qabtaa; in jiritaanka kawnku ku dhisan yahay isku darka labadan aragtiyood.


Aan qormadan ku soo af-meero aragtida mufeker weyn oo Soomaali ahaa oo tidhaa;

Nin diiday in aad xaq tahay,

Ku dooday in aanad jirin,

Rabboow dunidaada bilan,

Dunteeda ma sheegi karo." DABA-HUWAN- Maxamed Ibraahim W. "Hadraawi"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...