" Gabadh Walba Waa Hantida Ugu Qaalisan Ee Aabaheed Haysto".

0
Friday September 02, 2022 - 19:22:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Gabadh Walba Waa Hantida Ugu Qaalisan Ee Aabaheed Haysto".

    W/Q: Kamaal Media.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Media.


Ruba waa gabadh dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dalka urdun, waxay barteeda Facebook ku baahisay fariin ay kaga codsanayso shacabka dalkeeda urdun badbaadinta hudheelka aabaheed oo ah halka keliya ay ka helaan nolol-maalmeedkooda.



Sidan ayuu ahaa qoraalka ay soo dhigtay barteeda Facebook isagoo tarjuma;


" Wuxuu noqday xalkii ugu dambeeyay aan sameeyo inaan fariintan idin la wadaago, aabbahay aad buu u murugaysan yahay sababtuna waxay tahay meesha keliya aanu ka helno nolol maalmeedka oo ah hudheelka uu suuqiisu socon waayey iyo wax walba oo kor u kac ku yimid, waxaan sidoo kale fariintan idin la wadaagayaa waa inaan rajeynayo inaad aniga iyo aabbahay naga farxisaan.”


Kadib markii ay ruba baahisay fariintii, waxa kasoo falceliyay dad caan ah iyo shacabka urdun, waxayna noqotay hadal haynta warbaahinta dalka urdun.


Arrinta cajiibka ah ayaa ahayd in hudheelkii yimaadeen kumanaan kun oo shacabka urdun ah si ay dhoola cadeynta ugu soo celiyaan qoyska ruba.


Dhamaan wargeysyada carabta ayaa qisada ruba ciwaan uga dhigay "Gabadh walba waa risiqa aabaheed".

Isha; Kamaal Media.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...