Waa Ciidamo Aan Dab Sidan Hase Ahaate Ku Hubaysan Qalabka Muusiga

0
Friday September 02, 2022 - 10:51:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Ciidamo Aan Dab Sidan Hase Ahaate Ku Hubaysan Qalabka Muusiga

    Ciidanka baanboydu waxa ay leeyihiin dhawr cutub oo u kala baxa kuwa milateri, asluub iyo ciidamada booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka baanboydu waxa ay leeyihiin dhawr cutub oo u kala baxa kuwa milateri, asluub iyo ciidamada booliska.

.

Shalay waxa ay ahayd maalintii loo fooladaynayay 1419 arday oo ka Qalinjabinayay Jaamacada Hargeysa, waxaana xarunta jaamacada la keenay ciidanka baanboyda, iyada ujeedadu ahayd dhiirigelinta iyo soo dhaweynta ardayda, safafka dhaadheer ugu jiray tagista hoolka ay munaasibada qalinjabintu ka socotay, waxa ay ka tirsan yihiin ciidankan booliska, waxaaney u tababaran yihiin tumista astaankasta oo dalkeena ah.



Muddo badan ayay dhisnaayeen, waana koox bulshada dib u xusuusiya heesaha waddaniga ah.

Usha ay sitaan ciidanka baanboydu,   magac nooce ah ayay leedahay? Maxayse tahay faa’idada ku jirta? Usha waxa loo adeegsada hagista kooxda ciidanka baanboyda.

Baddi ciidamada baanboydu waa dad xirfad iyo aqoon u leh tumista kala duwan ee baando musikada.


Kooxda ciidanka baanboyda ee aanu sawirka kuwada jirna marka laga yimaado garaacista astaankasta oo dalkeena, sidoo kale waxa ay awood u leeyihiin tumista iyo garaacista astaankasta oo dalalka caalamka ah, si dalka loogu soo dhaweeyo waftiyada caalamiga ah ee dalka imanaya.


Waanu uga mahadcelinayna sidii hagar la’aanta ahayd ee astaamaha baando musiga noogu tumayeen ilaa aanu ka fadhisanay kuraasta naloogu tallo galay.


Mahadsaniniin

 Allaa Mahad Leh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...