Cara Tuulka Maayar Mooge Ku Rogo Wadooyinka

0
Wednesday August 31, 2022 - 09:28:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cara Tuulka Maayar Mooge Ku Rogo Wadooyinka

    W/Q : Shaafici Maxamuud Cige .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q : Shaafici Maxamuud Cige .


Maayar Abdikarim Ahmed Mooge waxa uu go'aan ku gaadhay in uu jidadka ku xidho ama ku rogo laba loodh oo carro tuul ah , si uu ugu muuqdo jidkaasi mid la dhisaayo dhawaan ,



Arintan ayaa ka dhacday badiba caasimadda isagoo masuulku jidad badan afka hore kaga rogay loodh ciid ah ama laba loodh oo carro tuul ah ,


Jidadkan ayaanu masuulku badankoodaba aanu dib ugu noqon , halka qaar jidadkan ka mid ahna intuu carro tuulka kala bixiyay aanu iyaga laftoodana dib ugu laaban ,


Jidadkan afafka hore laga xidhay ayaa caqabad weyn ku noqday isu socodkii bulshadda , arintan oo ujeedkeedu yahay igu sawir hadal hayn iyo amaan ha ii dhashee ,


Ugu dambayn maayarka waxaan kula talinayaa inuu jidadka bilaabo uun marka uu kharashkooda iyo shaqadoodaba u diyaar garoobo , isla markaana isku sawiro bar bilow-gooda iyo bar dhamaadkoodaba ,


Wixii aad jidad samaysay maayar waa shaqadaadii laguu doortay , wixii si laab la kacana aad u dhagax dhigtay ee bulshadda isu socodkooda xanibaada ku ahna waad ku dhaliilan tahay oo dhaliishooda adigaa ka masuula ee la soco .....


                   Allah Mahad Leh .

W/q : Shaafici Maxamuud Cige .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...